Dagaalo qasaara sababay oo ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Dagaalo qaraar ayaa Xalay ka dhacay xafaado ka mida Magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay Islaamiyiinta iyo Ciidanka Dowlada oo kaashanaya kuw Amisom.
Dagaalada ayaa xalay waxa ay xoogooda ka dhaceen Degmada Hodon illaa xaafado ka mida Degmada Howl-Wadaag oo dhawaanahan ay isku horfadhiyeen Xoogagag Mucaaradka iyo Ciidamada Dowlada KMG ah.
Dagaalka oo Madaafiic xoog badan la isku dhaafsaday ayaa waxaa xoogaga Islaamiga ah ay dib uga qabasadeen xaafado badan oo ka mida Degmada Hodon Ciidankii Dowlada ee horay u qabsaday dhulkaasi.
Sida wararka nagu soo gaarayaan askarta Dowalada ayaa laga qabsaday xaafada KPP illaa wadada Terbuunka oo ay xilli hore ka qabsadeen Mucaaradka waxaana rasaas teel teel ah saaka la isku dhaafsanayaan Wadada Terbuunka.
Dagaalkii Xalay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac inta badan kala gaaray Islaamiyiinta iyo Dowlada iyadoo la arkayay gaadiidka Gurmadka Deg dega ah oo dhaawacyo kala gaarsiinaya Isbitaalka Madiina iyo Dayniile.
Qasaaraha dagaalka oo lagu qiyaasay dhimashada 2-ruux iyo dhaawaca 7-kale ayaa dhammaan u badan xoogaga Islaamiyiinta iyo Ciidanka Dowlada KMG ah oo ku dagaalamay dhul banaan oo ay dadkii daganaa dagaalada looga barakiciyay .
Xaalada ayaa saaka caadi isaga soo noqotay waxaana Xoogaga Islaamiga ah ay ku sugan yihiin dhul badan oo bil ka hor loga qabsaday dagaalo ka dhacay Degmada Hodon iyadoo rasaas teel teel ah laga maqlayo meelaha qaar.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments