Calendar

Dagaalkii ugu danbeeyay oo dhaxmari doono Manchester United Vs Chelsea oo lagu go’aami doono hanashada Horyaalka Premiership-ka (Warbixin Dheer)

( Qalinkii Rakuuba)MAN VS CHESLE Kulanka Derby-ga Ee Dhex mari doono Maalnta Axadda Nadiyada ku loolamaya Hanshada Horyaalka Premiershipka Ee Manchester United iyo Chelsea ayaa ah mid Indhaha Caalamka oo dhan lagu wada hayo waxuuna kulankani noqon doonaa mid natiijadiisa ku xiran Naadiga Xaqiijsan karto Horyaalka Premrishipka.

Manchedster united ayaa ah Darwalka Tarinka Horyaalka England waxayna Hogaanka ku haydaa 3 Ddhibcood haddii Ee Chelsea ka badiso waxay La hoyaadi doontaa horyaalka laakiin Su’aasha taagan ayaa ah Haddii Ee Chelsea Guul ka gaarto kulnka ka dhacaya Old Traford wax walba ma  is badali doonaan? maadama ay haatan ka siman yihiin dhanka Goolasha.

Cheslea oo Sanadkii hore Dhibic qura kaga qaaday Naadiga haatan haminayso Horyaalka Ee Red Devilas ayee waxay noqdeen Labadani Naadi inay  ku loolamaan Hanshada Horyaalka kadib markii Kooxihii Arsenal iyo Liverpool ay awoodooda noqatay mid Ceel ku dhacday.

Naadiga Manchester United Haddii Ee Guul ama Bareejo ka gaarto Kooxda Blueska waxay dhigi doonaan Record dhanka Hanshada Horyaalka waxayna noqn doonaan haddii Ee Koobkaani Premerishipka qaadaan inay haystaan Record 19-Horyaal waxayna haatan wada siman yihiin Naadiga Liverpool oo Sanadihii hore ku guuleestay 18 Horyaal.

Macallinka Kooxda Man United Sir Alex Fergusen waxuu sanadkaani sameeyay Dadaal maadaam uu haatan fadhiyo Finalka Champions League, halka Koobka FA Cupka uu kusoo haray Semi Finalka kadib markii goolkii Yaya Toure ku quuusteen  waxayna haatan niyad balaaran u hayaan oo heegna ugu jiraan inay isku darsadaan Koobka Horyaalka Ingiriiska oo wadadii ay ku qaadi laheyd u fadhido Cheslea halka Cahmpions League Ee  Barcelona ay ku sugayso Garoonka Wemblay Finalka Uefa Champions League.

Xidigaha Lafdhabarta Ee Manchester united ayaa Kursiga kaydka iyo nasiino ugu maqnaa Kulankii ugu danbeeyay Ee Lugtii Labaad Ee Koobka Uefa Champions League.

Captain Vidic, Rio Ferdinand, J.S.Park, Micheal Carrick, Ryan Giggs, Rooney, Harnndez iyo Evra oo badal kusoo galay ayaa micnaheedu ahaa in Macalin Fergusen Heegan xoogan ugalay sidi Ciyaartoydasi ugu horatagi lahaa Naadigha ku haysatao hanshada horyaalka Ee Cheslea.

Dhanka kale Macallinka Blueska E Carlo Ancelotti ayaa xusay in kulankanai uu la ciyaarayo Manchester United uu la mid yahay Finalka Koobka Uefa Champions League isagoo xusya inuu rajaymnayo islamarkaan uu samynayo wado walba oo Ku garaaci lahaa Naaadiga Shayaadiinta Cas cas.

Fergusen ayaa xaqiijiyay in Xidiga Dhaawac ugu soo laabtay Ee Fletcher uusan kusoo bilaabi doonin Ciyaarta laakin uu soo fariisin doono Keydka, Xidigaan Scotland ka soo jeeda ayaa badal kusoo galay Kulankii Schlak Ee Semi Finlakii Uefa Champions League.

Ciyaartoyda Qatarta kaga imaan karto Chelsea.

Weyn Rooney iyo Harnnadez oo is fahmay ayaa Qatar Lixaad leh kaga imaan karto Daafacytada Chlsea o shabaqooda, Labadan xidig oo weerarka ugu Ciyaaro Manchester United ayaa la saadalinayaa inay afka ciida u dari karaan Kooxda Chelsea.

Rio Ferdiunand oo u dhashay Waddanka England ayaa xusay in waqtigaan oo kale eesan wada xariirin Xidiga Qadka dhex ugu ciyaara Naadiga Chelsea Ee Frank Lamprad isagoo xusay in xilligan ee isku yihiin Cadow ayuu ku kaftam,ay Rio Ferdinand mar uu ka hadlay Kulanka adag Ee ku qabili doonan Garoonkooda Naadiga Cheslea Maalinta Axadda ah.

Ciyaartoyda Dhulka ku jiidi karto Manchester United.

Weeraryahaanka Lacagaha badan laga soo bxiyay Ee Flopka ka noqday Gool dhalinta Ee Franando Torres ayaa la saadalianyaa inuu yahy Xidiga dhulka ku jiidi karo Daafacyada Manchester United, maadaam uu Kulamo badan oo kaga hor yimid dhulka dhigay Daafacyada Ee ku faanaan Unitedka Ee Ferdinad and Vidig kadibna Goolal daba marsiyay Gool hayaha Caanka ah Ee Van Dar Saar.

Torres oo 50 Million laga soo baxshay Xilli Ciyareedkani ayaa ku fashilmay in Manchester United uu ka reebi waayay Uefa Champions ELague kulankii Ee wada ciyaareen Labadani Naadi Querter Finalka Uefa Champions League, waxuuna haatn saxiixay Hla gool oo qura  sidaasi oo jirta hadana waxuu Torres Qatar wayn ku yahay Kulanka Manchester United.

Daafac Cheslea Ee John Terry ayaa celin kara Weerar walba oo kaga imaan kara Rooney iyo Ciyaaryahanka da’da yar Ee Harnandez, kulankani ayaa ah mid xiisa gaar ah wata maadaam lagu kala xaqiijin karo Hanashada Horyaalka Premerishipka.

Shaxda Macnhester United Ee kaga hortagi doonto Cheslea ayaa ah 4-4-2, halka Cheslea aya ciyaarti doonto shax ka duwan tan Unitedka, waxuuna Macalin Ancelotti kusoo gali doonaan 4-3-3 oo ah qaab weerar ah.

Xidigaha Manchester United usafan doono ayaa lagu soo bandhigay Pageka Naadiga United waxaana la filayaa in Line-Up-ka Ee kusoo galaan sida tan.

Manchester United (4-4-2)

Van der Sar; Rafael, Ferdinand, Vidic, Evra; Nani, Carrick, Giggs, Park; Rooney, Hernandez.

Kooxda doonayso inay hanato Markii  Labaad Horyaalka Ee Chelsea ayaa iyadana ku soo geli doonto Garoonka Old Traford sida tan.

Chelsea (4-3-3)

Cech; Ivanovic, Luiz, Terry, Cole; Essien, Mikel, Lampard; Malouda, Drogba, Kalou..

Maxay  Ku Faanayaan Manchester United  Xilli ciyaareekani intii lagu guda jiray?

*-Garoonka Old Traford wali loogama badin  Manchester United waxauyna guul ku gaartay 16 Kulan halka hal bareejo eek u galeen Garoonkooda Red deivilska.

*-Manchester United waxaa faan u ah in Xilli Ciyaareedkani Ee garoonkeeda ku dhaliday 43 Gool maan jirto Naadi sidaasi smaesay oo ak ciyartop Premeirshipka Xilli Ciyaareedkani.

*-Waxaa xusid mudan in Sanadkanai Naadiga Manchester United Qebyta koowaad Ee Ciyaarta laga dhalin Wax goola h Half Timeka hore Ee Ciyaarta.intii ee ku ciyaarayeen Garoonkooda Old Taraford.

Maxay  Ku Faanayaan Chelsea Xilli ciyaareekani intii lagu guda jiray?

*-Naadiga Chelsea waxaa farxad u ah in aan laga badin 10 Kii kulan Ee ugu danbeesay Horyaalka Premerishipka marka laga reebo Labadii kulan Ee United ka adkaadeen Querter Finaalkii koobka Champions League.
*-But the Blues have done well away from home in the domestic circuit, as they have scored 29 goals on their travels. Only Arsenal (36) has scored more.

*-Malouda ayaa ah Xidiga ugu gooalsha badan Naadiga Chesle Xilli Ciyaareedkani isagoo saxiixay 13 Gool walina waxuu yahay xidig badbadin kara Naadigiisa Blues-ka

Ugu danbayntii Kulankaani xiisaha badan oo Maalinta Axadda lagu kal bixi doono Garoonka Ee Ku Ciyaarto Manchester Unite Ee Old Traford laguna naneso (Dream of Theatre) ayee Cheslea marti ku ahaan doontaa iyadoo haatanba ay bilaawdeen in la sii galo Garoonka waxaana kulankanai lagu xaqiijin doonaan  Naadiga hanan karto Horyaalka 90-ka daqiiqo Ciyaarta kadib.

Qalinkii:Abuukar Muuse Xaashi (Rakuuba)
Cell Phone +252615 989813
Email

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: