Calendar

DAGAALKA AY DAWLADDU QAADDAY DAAWO AYAA KU JIRTA!

alshabaab42W/Q: Sabriye Macallin  Muuse — Qormadayda maanta waxaan rabaa in aan laba qodob ku qaadaa dhigo.

1- NINKII NIN DILA IN LA DILO NOLOL BAA KU JIRTA

Alle subxaanahu wa tacaala wuxuu Aayadda Qur’aanka ah ku leeyahay:

قَالَ اللهُ تَعَالَى: {وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَاْ أُولِيْ الأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ} {سورة البقرة: 179}.

(Qisaasta “xeerka simidda ciqaabta” nolol baa idiinku jirta, dadka wax garadka ahoow bal in aad dhawrsataan) (Al-Baqara: 179).

Al-Imaam Al-Zamakhshari isaga oo Aayaddaas fasiraya wuxu yiri: (Aayaddaasi waa aftahannimo yaab leh. Qisaastu waa dil iyo dayacaad, Allena wuxuu Aayaddaan uga dhigay daawo iyo duruufo nolol lagu abuurayo).

Qofkii qof dila in la dilo xikmad aad u weyn baa ku jirta, maxaa yeelay arwaax fara badan baa geeri looga baajinayaa. Qofku hadduu ogyahay kolka uu qof kale dilo in isagana la dilayo, ma ku dhiirranayo falkaas isaga ah, sidaas baana dhiig fara badan oo daadan lahaa lagu baajinayaa.

Sida caadada ah hal qof dartiis baa dad badan loo laayaa, inta badanna xitaa kii wax dilay lama dilee dad kale oon waxba galabsan baa u dhinta, sidaas bayna fidno ku aloosantaa, dhegtana dhiigga la isugu daraa.

Carabtu casrul jaahiligii waxay ahayd sida ay iminka Soomaalidu tahay. Qof qabiil u dhashay hadduu qof qabiil kale u dhashay dilo, labada qabiil duullaan aargoosi ah bay isku qaadi jireen, khalqi fara badan baana halkaas ku dhammaan jiray. Sidaas darteed, markuu Alle Rasuulkiisa Muxammad (SCW) soo diray, wuxuu lasoo diray Qur’aan caddaynaya xeerka ciqaabta siman (qisaasta) oo ah qofku intuu hadba qofka kale ka gooyo in isagana laga goynayo oo loogu aaro, arrinta caynkaas ahna Eebbe wuxuu sheegay dadka inay nololi ugu jirto.

Arrintaas waxaan usoo qaatay, dadka Soomaaliya maanta dagaalka ka hurinaya, oo shacabka miskiinka ah madaafiicda ku tuuraya, kana dhex tuuraya, waa in aan laga aamusin ama laga baqin ee inta lasoo qabqabto la laayo. Waa in qofkii madfac tuuraba la dilo, xitaa haddii aan la hubin in madfacaasi wax dilay iyo in kale.

Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: (Haddii labada qof ee muslinka ah ay labadooda seef kulmaan, midkoodna kan kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba Naarta ayay ku jiraan. Waxa la yiri: Kan la dilay muxuu u gelayaa? Wuxuu yiri: Kan kale inuu dilo ayuu doonayay). Xadiithka waxa weriyay Abii-Bakrata, Nufayc ibnul-Xaarith, waxana soo saaray Bukhaari iyo Muslim.

Xadiithka waxaynu ka eegaynaa saddex dhinac:

1- (Haddii): Waxa weeye aragti mustaqbaleed oo dadka muslimiinta ah ka reebaysa inay is dagaalaan, waana digniin culus oo ku socota qof kasta oo muslin ah, in uusan ku duulin walaalkiis muslin ah haddii kale Naarta ayuu gelayaa, bal waaba uu ku jiraa saacadda uu walaalkiisa muslinka ah weerarayo. Waa uu ku jiraa waxaa laga wadaa shaki kuma jiro oo wuu gelayaa.

2- (Haddii): waa shardi, shardigaasna waxaa ka dhalanaya: ( Kan wax dilay iyo kan la dilay labaduba inay Naarta gelayaan).

3- Asxaabtu waxay la yaabeen in qofkii isaga la dilay uu Naarta gelayo, jawaabtuna waxa weeye wuxuu niyaystay uuna go’aansaday oo u dhaqaaqay inuu walaalkiis muslin ah dilo, waa lagala hormaray mooyee. Marka niyadiisa iyo doonistiisa baa loo qabanayaa.

Xadiithka marka dhanka fiq-higa laga eego, dagaallanka laga hadlayaa waa ka aan ku salaysnayn shareecada Islaamka oo aanay soo gelayan waxyaabihii ay shareecadu jdaysay qofkii la yimaada in la dilo, sida qabiil ama gobol ama mad-hab iyo fikrad darteed loo dagaallamo.

Ibnu Mascuud (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (SCW) uu yiri: (Qof muslin ahoo in Alle mooyee Ilaah kale jirin anna aan Rasuulkii Alle ahay qiraya dhiiggiisu kuma bannaana waxaan saddex siyaalood mid ka ahayn: qof xaas ahoo sinaystay, naf naf loo goynayo iyo qof diintiisii ka tegay oo wadajirka ummadda ka baxay). Xadiithka Bukhaari iyo Muslim baa soo saaray.

Qofkii haddaba dagaallamaya isaga oo difaacaya diintiisa, maalkiisa iyo qoyskiisa, oo markaas sidaas wax ku dila ama isaga la dilaa kuma jiro dadka Naarta loogu gooddinayo. Qofkaas naftiisa, maalkiisa iyo qoyskiisa difaacaya, laftiisa uma bannaana inuu qofka kasoo horjeeda dilo, haddii uu ka badbaadi karo isaga oon dilin. Sidoo kale uma bannaana inuu eryado hadduu ka cararo.

Ulajeeddadu waxa weeye, ha isku dayin in aad disho qof muslin ah, hana la dagaallamin dagaal dil keeni kara, haddii kale Naarta waad ku jirtaa.

2- AL-SHABAAB HADDAAN LA ISKA DHICIN IBTILO KA DARAN BAA IMANAYSA!

Alle subxaanahu wa tacaala wuxuu Aayadda Qur’aanka ku leeyahay:

قَالَ اللهُ تَعَالَى: {إِنَّمَا جَزَاء الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُواْ أَوْ يُصَلَّبُواْ أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلافٍ أَوْ يُنفَوْاْ مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ} {سورة المائدة: 33}.

(Kuwa Alle iyo Rasuulkiisa dagaal kula jira, dhulkana fasahaad kula dhex socda, abaalkoodu wax kale maahee waa in la laayo ama la daldalo ama gacmohooda iyo lugohooda si isdhaaf ah loo gooyo amaba dhulka laga masaafuriyo, waxana sidaas loo yeelayaa in adduunyada lagu dulleeyo, aakhirana cadaab weyn bay leeyihiin) (Al-Maa’ida: 33).

Xuduudda lagu qaadayo dadka muslimiinta dila ama dhaca ama booba amaba barakiciyaa waxa weeye; In la dilo ama in gacmaha iyo lugaha si isdhaaf ah looga jaro, amaba dalka laga masaafuriyo. Culimada diinta badankooda oo uu Imaam Shaafici ku jiraa waxay dheheen: dadka jid gooyada sameeyaa hadday dad dilaan, xoolana dhacaan waa la dilayaa, hadday xoola dhacaan iyagoon qofna dilin, gacmaha iyo lugaha ayaa si isdhaaf ah looga goynayaa, haddiise ay ummadda baqdin geliyaan iyagoon dadna dilin xoolana dhicin, dalka ayaa laga musaafurinayaa.

Aayadahaas sababta aan usoo qaatay waxa weeye, dadka afka soo duubta ee madaafiicda dadka rayidka ah la dhacaya, handadaya, barakicinaya, baqdin gelinaya, dawladdii ka koobnayd waxgaradkii Soomaaliyeed ee qabiil walba ka socday, jifo walbaana ay dad usoo dirsatay oo ummadda oo dhan metelaysay, si xornimo iyo xaq ahna madaxweyne usoo dooratay, dadka dagaalka ku qaaday, ee weliba boqolaal aqoonyahan iyo culimo isugu jira qoorta ka gooyay, waxaan qabaa in ummadda laga qabto.

Waxa aynu la wada soconnay saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay in dadka caynkaas ahe shisheeyaha soo watay ay dhiig daadinayeen, dadka shicibka ah gumaadayeen, dawladdii aynu soo dhisannay ee diinta Islaamka inay nagu dhaqdo aynu u doorannay inay har iyo habeen madaafiic aan loo meeldayin ku garaacayeen.

Haddaba haddii dawladdu ay damacdo inay dadka caynkaas ah iska qabato oo dagaal is-difaacid iyo shacab difaacid ah uga hortagto, diintu maxay ka qabtaa?.

Fadlan culumada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa haddii aan khaldanahay inay iga qabtaan hadalka aan soo sheegay iyo kana an soo wado.

Alle Subxaanahu wa tacaala wuxuu Aayadda Qur’aanka ah ku yiri:

قَالَ اللهُ تَعَالَى: { وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْكُمْ خَاصَّةً وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَاب} {سورة الانفال:25} ِ

(Iskana jira fidno (ibtilo) kuwa idinka midka ahe dulmiga falay keliya aan ku dhacayn, ogaadana in Eebbe uu yahay mid ay cadaabtiisu daran tahay) (Al-Anfaal: 25).

Aayaddu waxay leedahay: Dadkiinna mu’miniinta ahow iska jira oo ka baqa oo ka dhawrsada fidno. Fidno waxa loola jeedaa ibtilo iyo imtixaan Alle xaggiisa ka yimid. Sida aad uga dhawrsan kartaan waxa weeye in aad iska qabataan qaarka dullaysan ee dulmiga idinkula dhex jira. Haddaad iska qaban weydaan, dembigooda Aakhira la idiin qaban mayo oo iyagaa galay, laakiin adduunyada wad isla halaagsamaysaan oo ibtilo aan loo meeldayin baa dusha idiinka wada dhacaysa. Ogaada in marka Aakhira la tago, Alle yahay mid cadaab kulul oo ciddii ku caasida cadaab daran cadaabayo, sidaas darteed qas-wade-yaasha iska qabta yaanay adduunyada idinku salfan eh, una aqli celiya yaanay Aakhiro cadaab daran dabaalan eh.

Haddaba, haddii dadka Muqdisho deggan qaar kamid ahi Alle ku caasiyaan oo uu damco in uu balaaya ku rido, Eebbe si gaar ah uguma rido ee reer Muqdisho oo dhan ayuu balaayada ku simayaa oo si saf ah baa loo ibtileynayaa. Waxa kuusoo haray in hadhow marka Aakhira la gaaro oo dadka la kala saarayo ciddii aan dembi gelin in gooni loo saarayo, Jannana la gelinayo, ciddii dembigii dartiis la isku ibtileeyay samaysayna cadaabta daran ee la isaga digayo la dabaalsiinayo.

Halkaas waxaynu ka qaadanaynaa in qolooyinka fallaagoobay ee Al-Shabaab iyo Xizbul-Islaam la baxay ay tahay in dagaal aan naxariis lahayn lagu qaado. Dadka shicibka ah intii suurtagal ah in xabbadda laga dhawraa waa waajib, haddiise iyada oo fallaagada la dabargoynayo, dadka rayidka ah waxyeello aan laga fursan karini soo gaarto, taas dawladdu dembi kuma ay laha.

Waxa weeye laba daran mid dooro, diinta Islaamkana waxa lagu yiraahdaa Akhafu Dararayn oo ah in la kala doorto in fallaagada dalka iyo dadka lagu sii daayo iyo in la iska caabbiyo oo markaas iyadoo iska caabbintooda lagu jiro dadka rayidka ah qaar dhibaato soo gaarayso, waxa la dooranayaa midda dambe, maxaa yeelay tan hore ayaa ka cawaaqib xun tan dambe. Waxaa dhab lama huraan ah in cudurku gacanta uu kaa galo lagooyo, si jirka intiisa kale loo badbaadiyo. Intaas keliya ma ahee waxaa dhici karta in gacanta intii ka bugtay xoogaa santimitirro ah oo caafimaad qabta lala gooyo, si loo hubiyo in unugyo cudurkii kamid ahi aanay jirka ku dhex dhuuman oo hadhow meeshii hore kasoo billow u noqon.

Qormadayda waxaan kusoo gunaanadayaa, marka hore, qof muslin ah oo dembi uu galay in loo qisaaso aanu qaaddi ku xukumin in la dilaa waa dembi weyn ciddii gashana Adduunka waa la dilayaa, Aakhirana rabbigeed. Waxa taas ka dhigan dhallinyarada xaafadaha dhexdooda madfaca ka tuuraya. Qofkii madfac isaga oo tuuraya ama ku talagalay inuu tuuro lagu helo, waa la dilayaa, maxaa yeelay wuxuu go’aansaday inuu qof muslin ah ku dilo. Midda kale, qayla-dhaanta ah; dad masaakiin ah baa dhimanaya, dad baa barakacaya iyo waxa la midka ah, annagoo ka xun, haddana fidno ka weyn baa looga hortegayaa oo naftoodii baa lagu badbaadinayaaye, dagaalka yaan loo joojin ee qas-wade-yaasha khabarkooda ha la keeno, ummaddana ha laga qabto.

Was-Salaamu calaykum.

Sabriye Macallin Muuse

[email protected]

Minnesota – United States

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Bartamaha Media (www.bartamaha.com)

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: