Calendar

[DAAWO] Filmaantii ugu fiicnaa sanadkan 2012

Sanadka 2012 ayaa ahaa mid qofkii Filimaanta jecel uu aad uga haqabeelay aflaanta Hollywood-ka. Hadaad is lahayd inaad filimaan oo dhan waad dhamaysay sanadka 2012 waxaan ku oran lahayn malaha qaar ayaa laga yaabaa inaad ka tagtay ee hoos u yara jaleeco oo fiiri inaad kuwan daawatay. Haddii aad daawatayna Bartamuhu wuxuu ku leeyahay mar kale iska Biiso… maxay kaa dhimaysaa waa filimaan laga qeyliyey eh.

Waxaan idiin soo diyaarinay 10ka Filin ee sanadka ugu fiicnaa.

(AFEEF: Waxaa laga yaabaa inaad haysatay List kale oo ka duwan 10kan hoos ku jira ee si kale maaha)

 1. The Raid (Redemption) Hadaadan filnkan daawan oo filimaanta jeceshahay waa adoo aroos tagay oo aan Xalwad kasoo cunin. Filinkan ayaa laga soo saaray dalka Indonesia waana filin aad u xarakaad badan. Filinka bilowgiisa markaad aragto jilaaga filinka oo Salaad Subax tukanaya ayaad ka garan kartaa inuu wax badan ka duwan yahay filimaanta kale ee aad mar walba aragto. Daawo filinkan, Gadaal adigaa Bartamaha u mahadin doona.


2. Amour

Filinkan oo laga soo saaray dalka Faransiiska ayaa ah mid Murugo iyo Jaceyl weyn Xambaarsan, Wuxuuna ku saabsan yahay Lamaane isku waayeeloobay. Reero Jaceyl hadaad ahayd Filinka ayaa ah kaagii, waana filin Abaalgudyadii adduunka oo dhan qaatay… Saasaad ku garanaysaa inuu yahay A+

3. Life of Pi

Filinkan sababta aad ku daawanaysid oo kaliya ayaa ah ANG LEE, Maxaad kaloo naga rabtaa inaan kuu sheegno, waa Jiheeyihii Crouching tiger Hidden Dragon.

4. The Dark Knight Rises

Batman sida loo galayo ayaad ka arkaysaa in cidina aysan badbaadayn. Hadaad rabtay in mar Batman dhulka lagu jiido, kani waa filinkaagii.

6. Zero Dark Thirty

Osama bin Laadin dhimashadiisa ayaa dad badani wax ka qoreen ama ka duubeen  laakiin Filinkan sheekadiisu ma xuma.

 7. The Hobbit – An Unexpected Journey

Hadaad ku raaxaysatay Lord of the Rings. Filinkan ayaa dib kuugu celinaya The Shire.

8. ARGO

Ben Afleck ayaa matalaya oo haddana jiheeyey filnkan, waana sheeko dhacday oo ku saabsan Maxaabiistii Safaaradda Maraykanka ee tehraan, Iiraan lagu qabsaday. Daawo filinkan ku hungoobi mayside.

9. The Avengers

Xageed ku arkaysaa Iron Man, Hulk, Captain America, Thor, Hawkeye, Black Widow iyo qaar kale oo Adduunka wada badbaadinaya oo haddana Shawaarma wada doonanaya.

10. Prometheus
 

Filinkan ayaa dadka badankood ku tilmaameen inuu la socdo Filinkii Alien ee hadaad wada xasuusataan ahaa Filin wax ka badalay sheekada Filimaanta. Ridley Scott oo ah macalinka Aflaanta ayaa sameeyey.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: