Calendar

Ciidamo ka tirsan al-shabaab oo soo dul dagay magalada baydhabo ee gobalka bay

Magaalada baydhabo ee xarunta gobalka bay ayaa waxa laga soo sheegayaa in magaalada meel anan ka fogayn ay soo gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan xarakada al-shabab soo gareen halkaasi,

Ciidamadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa doonaya inay weeraro ku qaadaan xarunta ciidama dowlada Somalia iyo kuwa AMSOM ee ku sugan magalada baydhabo,

Dhinaca kale ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Somalia ee jooga magalada baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay dhisteen difaacyo dheer dheer

Dad shacab ah oo ku safrey wadada isku xirta Sh/hoose iyo Baay ayaa inoo xaqiijiyayv in ay wadada kula kulmeen  ciidamo kamid ah xarakada Al shabaab oo dadka ku amraya in ay iska dhigaan Mobeylada Camera- da le ee wax lagu duubi karo,

Xaalada amni ee gobalka bay ayaa waxay ahayd isbuucan mid kacsan kadib markii halkasi ka dhaceen weeraro lagu bartilmaameedsanayay dad gaar ah sido kalena laga helay miinooyin anan wali la qarxin kadib howlgalo amaanka lagu sugayay oo magaladasi laga fuliyay

 

 

w/q said abdi   [email protected]

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: