Calendar

Dawladda Soomaaliya oo saldhigyo qabsatay

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkii duhurnimadii maanta ka bilowday Xafado ka mida Degmada Hodon Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkii qaraaraa ee duhurnimadii maanta ka bilowday xaafado ka mida Degmada Hodon Muqdisho ayaa sababay qasaara kala duwan iyadoo Ciidanka Dowlada ay guula ka gaareen.

Wararki ugu danbeeyay oo aynu ka helnay Goobaha ay duhurnimadii maanta ku dagaalameen Ciidanka Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka ayaa sheegaya in askarta Dowlada ay la wareegen fariisino dhowr ah ay horay u haysteen Mucaaradka.

Ciidanka Dowlada ayaa waxaa la sheegayaa in ay dageen Saldhiga Hodon iyo Xaafadaha Carwadii Taleex iyo qeybo ka mida Wadada Terbuunka.

Dagaalka ayaa si goos goos ah waxa uu uga socanyaa Xaafadaha Degmada Hodon Muqdisho iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas xoogan oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan.

Inta la ogyahay Madaafiic Suuqa Bakaaraha ku dhacday ayaa waxa ay dhalisay dhimasho iyo dhaawac iyadoo la geeyay Isbitaalada 7-qof oo dhaawac uu soo gaaray halka qof kale la sheegay in uu suuqa ku dhintay duhurnimadii maanta dagaalkii bilowday oo illaa galabta laga maqlayo xaafadaha Degmada Hodon.

Faah-faahin dheeri ah xili waliba kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: