Calendar

Bahda isboortiga Soomaaliyeed ee xaafada Southall oo shahaado sharaf gudoonsiiyay ciyaaryahan Amaan Guuleed (VIDEO / SAWIRO)

40413_153073588037917_100000058294041_468783_4136775_nWaxaa magaalada London lagu qabtey galabta xaflad lagu soo dhaweynayay ciyaaryahankii hore ee kooxda Betroolka iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Guuleed oo ku magac dheer ‘’Amaan’’

Ciyaaryahan Amaan ayaa soo gaarey magaalada London todobaadkii hore, waxana uu ku nool yahay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Maanta ayuu booqasho gaaban ku yimid xaafada Southall kadib markii bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee xaafada Southall ugu sameeyeen xaflad si heer sare ah loogu soo shaqeeyay garoonka  kubadda cagta  ee featherstone Sports Center, iyadoo loogu qabtey ciyaar sharafeed ay si weyn ugu soo dhaxmuuuqdeen ciyaaryahanada kale ah Cabdikariin Abdulle Shiidle ‘’Black’’ kooxda Wagad, Mustafe Suleymaan kooxda Badda iyo Amaan Guuleed kooxda Betroolka iyo dhalinyaro kale.

[slidepress gallery='s']

Ciyaartaas xiisaha badneyd waxay ku soo dhamaatey barbar dhac 2 goal iyo 2 goal, kadibna waxaana halkaa lagu gudoon siiyey  koob lagu sharfey ciyaaryahanka,iyo shaahaado  sharaf ay gudoon siiyeen bahda isboortiga ee reer southall Galbeedka London.

Waxaa halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey ciyaarayahan hore Mustafa Suleymaan oo isagu ahaa dhalintii soo qaban qabisay  xaflada sheegayna sababta ku kaliftay in la sameeyo hawshaan quruxda badan, walaalkeen Amaan Guuleed oo yimid magaalada London markaan maqalnay ayaan waxaa go’aansaney inaan soo dhaweyn ugu samayno xaafada Southall.

Waxaa kaloo halkaa isna kahadley ciyaaryahan hore Cabdikariin Abdulle Shiidle ‘’Black’’ sheegayna in wax badan ay garoomada kuwada dheleen, islamarkaana ay maanta sharaf weyn u tahay in si Soomaalinimo ku jirto markale aan ku kulana kuna wada ciyaarno magaalada London, mudane Black ‘’Wagad’’ ayaa halkaa koob ku gudoon siiyey ciyaaryahan Aamaan, si lamid ah shashaado sharaf kale ayaa waxaa  gudoonsiiyey mudane Cumareeto ciyaaryahan Amaan, sheegayna inay sharaf u tahay reer Southall inay marti sooraan maanta.

Waxaana sharaxaad gaaban ka bixiyey mudane Ahmed Cabdalla Tigaana sababta keentay in loo aqoonsado amaan  inuu yahay shaqsi wanaagsan ay tahay kow nin ka nadiif ah waxyaabaha xun oo dhan, waxaana  lagu amaanay sida uu uga hufanyahay  waxyabaha  aan fiicnayn ee maanta dadka Soomaalida kale geeyay oo dhan oo ayna ugu horeysa Qabyaalada.

Amaan waa nin isboorti ah welina taagan Soomaalinimo ayay reer Southall isla qireen galabta

Ugu dambeyntii Xasan jaamac iyo Cumareeto ayaa ahaa kuwo ad uga hadlay wanaaga iyo walaaltinimada iyo soo dhoweynta Amaan Guuleed.
Ugu dambeyntii  ciyaaryahanka weyn  Cabdi-raxmaan Guuleed (Amaan) ayaa uga mahad celiyey dhamaan dadkii isku soo hawlay arintan, wuxuuna ka sheegay meeshaas in laysku duubnaado lagana shaqeeyo sidii bahda isboortiga u noqon lahayd far kaliya, xataa ninkii naga xumaado waa inaan soo ceshanaa waayo waa naga mid ayuu hadalkiisa ku soo gunaanadey

Waxaana kamid ahaa dhalinyaradii isku soo dubaridey iyo kuwii kale ee ka soo qayb galey barnaamijkaan xiisaha badan,

  1. Mustafa Suleymaan ‘’farey’’ (Badda)
  2. Cabdikariin Abdulle Shiidle ‘’Black’’ (Wagad)
  3. Cumareeto
  4. fadxi Yuusuf
  5. Cabdi Xayle
  6. Xasan Jaamac
  7. Ahmed Ciiro
  8. Siciid Abdulle Shiidle ‘’Masaaro’’
  9. Ahmed Tigaana
  10. Cali Norwey
  11. Burhaan  Mahad Xeroow
  12. Xuseen fowqa ( Badda)
  13. Dhegaweyne
  14. Ahmed taajir (Qoobeey)
  15. Mohamed Abdulahi Jama ‘’Galbo’’
  16. Xuseen Balow
  17. Mustafe Bidaar
  18. Nur Osman ‘’Nur Xamarbile’’
  19. Cabdisalaan ‘’Aato’’ Bartamaha & Wargalin
  20. Mohamed Hagi Ingiriis Qoraa
  21. Dahir Ciise Weheliye ‘’ Eastlight Stars’’

Waxaa xaflada soo agaasimay ururka dhaqanka dhalinyarada isboortiga iyo qaybaha bulshada xaafada Southall, mudane Amaan Guuleed waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa daafac bir aan ku qiyaasi karo mid lamid ah (Roberto Carlos,Maldini,Cafu)islamarkaana taariikh ku leh isboortiga dalka Soomaaliya, islamarkaana ahaa ciyaaryahankii goalka guuldarada xulka da’yarta dalkeena dabamariyay goalhayihii Soomaaliya kadib markii ay isla fahmi waayeen kubad u dib ugu soo baasay goalhayeena, taasoo si nasiibdaro ah u dabamartey shabaqana cuskatey, waa hadaad xusuusataan ciyaartii Soomaaliya iyo dalka Nigeria ‘’ Maanta badiyoo beri Chili tag, goalkoodii shan ka dabagee’’.

Arinkan oo kale marar badan ayay ku dhacdey ciyaaryahano badan oo maanta caalamka ka dheela, laakinse mudane Cabdiraxmaan Guuleed ‘’Amaan’’ wuxuu I sheegay inuusan waligiis halmaameynin maalintaas oo u damcay inuusan dib dambe kubad u dheelin balse markii dambe ciyaaryahanadii , macalimiintii iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ku qanciyeen inuusan iska dhaafin kubadda ee uu sii dheelo, ilaa iyo maantana waxa u ku dhex jiraa isboortiga, waxaana leeyahay howsha isboortiga iyo bulshada isboortiga ah ee dhexda ugu jirtid ugu sii jir waligaa.

W/D:YUSUF YUSUF

Sports editor of SSPAMEDIA

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: