Badbaadinta Jiilka Cusub ee Dhalinyaradii umada usoo kici laheyd
W/Q – Dr Cali Warsame — Jiilkii cusub oo somali usoo baxayey,ma sidan ayuu ku danbeynaya. Waxaa Jiil la yiraahda markii ay mudo gaareysa 25 oo ah rubac qarni ayaa badana waxa dhasha jiil ka danbeeyey kii hore .Jiilkaas dhashana waxa ay ku xiran tahay ,sida Jiilkii hore uga taxadarey oo ay wax ugu gudbiyeen,hadey ahaan laheyd waxbarashadooda ama tarabiyadooda oo kale, Waxa la og yahay in ay tarabiyadu ay bilaabato guriga,iskoolka & mujtamaca.Waxaan ognahay in wali doorweyn uu ka cayarayo somalia qabiilka oo ah run ahaanti waxa somali kala daadiyey oo halkan soo gaarsiiyey & aqoon xumada taal iskoolada oo ah meel tarabiyada jiilalka cusub doorweyn ka cayaarta.
Qabiilka :
Markaan qabiil si cilmiyeysan u qeexno waa maxay qabiil .
Qab (islaweyni ) IIL ( xumaan ama naceyb ) walaahi waa fasiraada kaliya oo aniga aan ku fasiri karo qabiil,waana qaabka looga isticmaalo somalia oo halka aan maanta joogno nasoo gaarsiisey.Waxa habonaan laheyd jiilalka dhalanaya hada iyo kuwa soosocdo in laga dhiso iskoolka oo manhajka iskoolka lagu xoojiyo ( taariikhda umada Somaliyeed ) oo ah run ahaanti wax uu qofka somaliga ah uu ku faani karo lana baro somaliya juquraafiyadeeda iyo dadka somalida oo ah run ahaanti dad aan marnaba kala goÃkarin .
Meesha ay dowlado badan oo daris nala ah ay ka tahay umado isku tagey ayaa waxa somalidu tahay hal umad oo idku dhaqan ah oo isku af ah ooisku diin & manhaj ah ,waana run ahaanti wax yaabaha keena guul hadii ay umad laga helo intaas oo shay oo isku mid ah.
Dhibta somaliya taala maanta waa dhib dibada uga timid gaar ahaan cadowgeena taariikhiga ah ee itopia oo waligeedba dhulka somalia isha ku heysey,layaab maleh in ay kala daadiso somali oo ay kala dhantaasho oo ay ka faaÃideysato (fidnada qabyaaladu ay lee dahay ).
Waxa kaliya oo aan kaga bixi karna wa sida ay aniga ila tahay in la helo jiil aqoontooda hoose la dhisey laguna weyneeyey ,isku duubnaanta umada somaliyeed. hadii kale somaliya meel ay tariikhdan cusub ka martey waa la weynaya oo waan tirtirmeyna ,sida qowmiyado badan oo ay itopia tirtirtey oo maanta aan qaarkood la aqoonin .Waxaan ka codsaneyna jaamacada iskoolada & manhajka somaliya laga dhigo iskoolada in uu noqdo manhaj lagu dhigo taariikhda iyo juquraafiga somalia ,waana in dadka laga dhiso labadaas shey jiilkan cusub
Dr:Ali Warsame
Comments
comments