Calendar

Bad Dusheeda Teenis ma lagu ciyaari karaa?

Rafael Nadela iyo Roger Federer

Rafael Nadela iyo Roger Federer

Xidigaha ugu Caansan xilligan aduunka ee ciyaarta Tenis-ka Rafael Nadela iyo Roger Federer ayaa ku wada ciyaaray Ciyaar xiiso badan Garoon biyaha Badda dalka Qatar dul sabeenaya.

Ciyaartan ayaa aheyd ciyaar soo dhaween ah oo waxaa dhawaan furmi doona Xilli Ciyaareed cusub ee Tennis-ka aduunka, Xilli ciyaaraadkan cusub ayaa lagu qaban donaa dalalka Qatar, Australia iyo India waxaana ugu xiiso badan Ciyaarta lagu qaban doono Dalka Australia.

Rafael Nadal iyo Roger Federer ayaa ah labo ciyaaryahan oo kubada Tennis-ka caan ku ah iyadoo uu ka dhaxeeyo loolan adag inkastoo ay Saaxiibo gaar ah ay yihiin, Rafael Nadal oo u dhashay dalka Spain ayaa hadda ah number 1 halka Roger Federer oo u dhashay dalka Switzerland uu kaalinta 2-aad ku jiro, Rafael Nadal ayaa kaalinta koowaad galay sanadkii 2010 kadib markii ciyaartii Final-ka ee French Open uu ka badiyay Roger Federer oo number 1 ahaa inkastoo Roger Federer uu dadaal ugu jiro siduu u soo ceshan lahaa kaalinta koowaad.

Labada Ciyaaryahan ayaa ku guuleystay 25 koobka Grand Slam in kastoo 29 jirka Federer oo ka weyn 5 sanno Nadal uu qaaday 16 ka mid ah wuxuu heystaa Record ka nimanka ee tartankan.

Rafael Nadela iyo Roger Federer oo is gacan qaadaya kadib marki ay ciyaarta dhamatay!

Rafael Nadela iyo Roger Federer oo is gacan qaadaya kadib marki ay ciyaarta dhamatay!

Roger Federer iyo xidigii hore ee Tennis-ka Andre Aggasi ayaa sanadki 2005 ku wada ciyaaray dusha sare ee Dhismaha dunida ugu dheer ee Magaaladd Dubai ee lagu magacaabo Burj Al-Arab iyoo goobta ay ku ciyaareen oo ah dusha sare ee Hotel-kan ay dhulka ka sareeyso 700ft.

Ibrahim Da’ud Abdalle

Kuala Lumpur, Malaysia..
[email protected]
Facebook:- Sayfudiin Abdalle

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Madadaalo | Entertainment, Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: