Somaliland oo Jawaab ka bixisay hadalkii Wetangula
Bartamaha (Nairobi):- Barlamaanka Somaaliland ayaa maanta waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dacwad Wasiirka arimaha dibada ee dalkaKenya uu u soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo dhawaan booqday Magaalooyin waaweyn oo katirsan Maamulka Somaliland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi C/raxmaan Ciro ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr Moses Wetangula kaasi oo gudiga Baarlamaanka ee dalka Kenya u qaabilsan xiriirka Wadamada dibadda ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo booqashadii uu gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ee dalka Kenya Mr Faarax Macalin uu ku tagay Somaliland bishii December ee sanadkii tagay.
“ Somaliland iyo Kenyana waa laba dal oo aan kala maarmi karin islamarkaana dadka waa ay iska xigaan, maadama uu soo wada gumeystay Gumeystihii Ingiriiska†ayuu yiri Gudoomiye Ciro oo intaasi ku daray ka Somaliland ahaan in aysan jecleyn in ay faro galiyaan arimaha gudaha ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland C/raxmaan Ciro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr Moses Watangula, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in aysan jirin wax dambi ah oo uu galay Faarax Macalin xiligii uu booqanayay Somaliland iyadoona booqashada gudoomiye ku xigeen Baarlamaankii Kenya Mr Faarax Macalin ay aheyd booqasho rasmi ah taasi oo lagu wanaajinayay xiriirka u dhaxeeya 2-da Baarlamaan waa Kenya iyo Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
C/raxmaan Ciro waxa uu intaasi ku daray in socdaalkii gudoomiye Faarax aysan waxba ka gadisneyn socdaalkii Guddi Baarlamaanka Kenya katirsan uu ku booqday Somaliland sanadii 2006-da Barlamaankaasi oo markii ay ku laabteen dalkaasi Kenya uu ugu baaqay Golaha Baarlamaanka ee Kenya in ay aqoonsadaan Xukuumada Somaliland.
Farah Macalin iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dabayaaqadii sanadkii 2009 waxa ay booqasho ku tageen Somaliland.
xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya
Comments
comments