Axmed Diiriye oo digniin u jeediyay Maxkamada Militariga
Bartamaha (Muqdisho):- Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa digniin culus u jeediyay Maxkamada Militariga Ee Dowlada Soomaaliya oo bilowday fulinta Xukuno.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa saaka saxaafada u sheegay in Dowlada KMG ah ay ku qaldan tahay fulinta xukunada Militariga sida toogashada isagoo sheegay in sharci daro loo xukumay dad miyirka la’.
Nabadoonka oo cara ay ka muuqatay ayaa waxa uu u digay Maxkamada militariga oo uu sheegay in ay dil ku xukuntay wiil waalan oo aan miyir lahayn kaasi oo weli aan la fulin xukunkiisa dilka ah.
Nabadoonka waxa uu uga digay Maxkamada Militariga in ay fuliso dilka wiil uu nabadoonkan ku sheegay in uu waalan yahay dhawaana Ciidanka Dowlada ay ka qabteen isaga oo wata Bam gacmeed gudaha Degmada Xamarweyne.
Nabadoon Diiriye ayaa ku dooday in loo baahan yahay hubinta qofka la xukumayo Caafimaadkisa iyo Miyir ahaan waxaana uu balan ku qaaday in dhibaata ay dhalinayso hadii la toogto wiil uu yaqaano oo Miyirka looga jiro dilka ku xukuman.
Hadalka Nabadoonka iyo digniinta la socotay ayaa waxa ay imaanaysa xilli markii ugu horeysay faraage dadka daawanayaan lagu dilay Askaro hore dil u gaysdtay oo Maxkamada Militariga dil ku xukuntay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments