Calendar

Alshabaab oo dagaal ku qabsatay Degmada Yeed.

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha (Bakool):- Kooxda Alshabaab ayaa maanta dagaal xoogan ka dib la wareegtay deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool.

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo saaka ka dhacay Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool ayaa sabab ka dhigay in laga saaro Ciidanka Dowlada guud ahaan Deegaankaasi.

Dagaalka Saaka ka dhacay Deegaanka Yeed ayaa sababy qasaara kala duwan ka dib markii Cidianka Alshabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen guud ahaan Deegaankaasi oo ay Jihooyin badan ka galeen.

Inta la ogyahay 3-askari ayaa dagaalka maanta looga dilay Ciidanka Dowlada kuwaasi oo askarta Shabaabka ay maydkooda geeyeen gudaha Deegaanka Yeed halkaasi oo ay qabsadeen duhurnimadii maanta ka dib dagaal lagu riiqmay oo saaka dhacay.

Sargaalka shabaabka ugu qaabilsan ka hadlida Dagaalada Sheekh c.cASIIS Abuu Muscab ayaa saxaafada u sheegay in ay dagaalka ku qabsadeen Yeed qasaarana gaarsiiyeen Ciidanka Dowlada.

Afhayeenka Howlgalada dagaalada Alshabaab ayaa guul balaaran sheegay in ay shabaabka ka gaareen dagaalka islamarkaana ay ku dileen Saraakiil caan ah oo askarta Dowlada hogaaminayay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowlada KMG ah  Ee Gobolka Bakool iyadoo Ciidanka Dowlada ay u baxsadeen duleedka Deegaanka Yeed oo xilli ay ku xooganaayeen balse maanta laga saaaray.

Xaalada ayaa dagan waxaana la hadal haayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan askarta Dowlada oo kaalma ka helaya kuwa Ethiopia wallow saraakiisha shabaabka ay ku mashquulsaniyihiin kulamada dadka deegaanka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: