Calendar

Ahlu sunnah oo Eedeysay Dowlada Puntland.

lacag_NaafoBartamaha (Caabud-Waaq):- Ahlu sunah Wal Jamaaca ayaa Eedeyn Culus dusha uga tuurtay Dowlada Goboleedka Puntland oo ay ku Eedeeyeen in lacago Feelsa ah soo galiyeen dhulka Ahlu sunnah Maamusho.

Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa Eedeyn culus dusha ka saartay Dowlada Puntland oo ay sheegtay in ay lacago feelsa ah soo galisay Deegaanada ay gacanta ku hayso Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Sheekh Mahad Khaliif oo ah Guddoomiyaha  Ahlu sunna ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ka war heleen lacago Feelsa ah oo dhanka Puntland ka soo galay deegaanada Ahlu sunnah ay ka taliso.

Masuulkan waxa uu sheegay in lacagtasi ay samaystyeen masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ku guuldaraystay in ay lacagtaasi ka hirgashadaan deegaanada Puntland balse ay la soo aadeen dhulka ahlu sunna maamusho.

Masuulkan waxa uu sheegay in Puntland ay lacago ku qalqal galisay amniga Deegaanada Dhuusamareeb, Caabudwaaq iyo Guriceel oo dhammana ah Degmooyinka ahlu sunnah Wal Jamaaca ay ka taliso.

Ma aha markii ugu horaystay oo kooxdaasi ay Eedeyn u jeediso Dowlada Puntland waxaana ay arintan imaanaysaa xilli Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo iyo Boosaaso horay loogu qabtay lacagtaasi Feelsada ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: