Yuusuf indhacade: oo sheegay in heshiiskii kampala uu ahaa heshiis xal u ah umada soomaaliyeed.
Yuusuf max,ed siyaad indhacadde oo maanta saxaafada la hadlaayay ayaa sheegay inuu aqbalay R/wasaaraha soomaaliya inuu aqbalo iscasilaadda loo soo jeediyay waxa uuna soo dhaweeyay Shirkii ka dhacay magaalada kambala oo ay halkaas hishiis ku gareyn madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamaanka.
Waxa uu ugu horey soo hadal qaaday inaan laga marmin beesha caalamka ciidan ahaan iyo Dhaqaalo ahaan sidoo kale waxaa laga marmin ciidamada amisom waxa uu tusaale u soo qaatay Hadii ay dalka ka baxaan ay sahlantahay in la qabsando sidaasi waxaa yiri yuusuf indhacadde .
Hishiiskii ka dhacay kambala waxaa uu sheegay inuu u arko mid xal ah umada khilaafkii ka Dhaxjiray madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka ay ku hishiyeen halkaasi wuxuu aad u Soo dhaweeyay xalkii laga gaaray khilaafka.
Wuxuu u mahad naqay madaxweynaha dalka ugaandha yuuweri musafani oo sheegay inuu Hishiskaas qeyb weyn ka qaatay sidoo kale wuxuu u mahad naqay beesha caalamka wuxuu si gaar Ugu mahad naqay safiirka qm u qaabilsan arimaha soomaaliya abashadoor mahiink iyo dhaamaan Dadkii shirkaasi gacan ka gestay ayuu yiri indhacadde
Wuxuu sheegay iney besha caalamka marwaliba ay ka murugsantahay arimaha soomaaliya sida ay Wax u socdaan gar ahaan isqabadkii soo kala dhaxgalay madaxda sarsare ee dowladda .
Ugu danbeytii wuxuu xusay dalka ugaandha ay mudantahay in loo mahad noqo balse aan Habooneyn in la dhaleceeyo ma qabato wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay marka la eego shacabka Soomaaliye ay ku dhaqan dalka ugaandha ay la mid yihiin si dad dalkowda jooga oo kale wuxuu Racabka ku adkeeyay inaan sharci aan la weydiin si xor ah aye halkaas ugu noolyihiin shacabka Soomaaliyeed ma mudno ayuu yiri in la aflagadeeyo lakinse wexeey mudanyihin in loo mahadnaqo.
Hadalkaan ka soo yeeray yuusuf indhacadde ayaa waxa uu u muqdaa nin ku fikir ah Madaxweynaha waxaa inta badan saxaafadda bahisaa karabyo kala tagsan madaxdda Dalka mudooyinkii danbe waxaa la arkaayay khilaafka u dhaxeeya madaxdda sarsare ee Dalka uu Sii xogeysanaayo balse aan la saadalinkarin xalka wuxuu ku danbeendoono.
Comments
comments