Calendar

Yuusuf Indha Cadde oo qarka u saaran in uu ku biiro Ahlu sunnah Wal Jamaaca(Xog sir ah).

indha caddeBartamaha(Muqdisho):-Wasiir Dowlaha Wasaarada Gaaashaandhiga Dowlada KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ah halyeey dagaal gaar ah kala dhexeeyo Alshabaab ayaa hadda qarka u saaranm in uu isaga baxo Dowlada.

Yuusf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dad badan ay u yaqaanaan nin is badal badan ayaa waxa haatan mugdi xoogan soo galay siyaasadiisa waxsaana uu haatan qarka u saaranyahay in uu ku biiro garab m,ucaarad ku ah Dowlada kuna shaqeynaya Magaca Ahlu sunnah.

Indha Cadde oo laba cisho ka hor ka badbaaaday qarax lagu doonayay in lagu dilo ayaa waxa uu haatan uga shakisanyahay qaraxaasi Madaxda Madaxtooyada iyo saraakiisha ammaanka.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Indha Cade  ayaa si cara leh uga hadlay qaraxa lagu doonayay in isaga lagu dilo waxa uuna dusha ka saaray Dowlada isagoo weli wada baaritaan la xiriira qaraxa.

Masuulkan oo Dowlada ku soo biiray bishii April sanadii 2009 ayaa waxa uu shaqo badan ka qabtay Dowlada dhexdeeda isagoo ka qeybgalay dagaalo badan waxaana loo magacaabay markii danbe wasiiru Dowlaha gaashaandhiga.

Masuulkan ayaa waxa uu dhawaan markii madaxweynaya uu kala diray Xukumada uu hadal ku weeraray Ra’iisul wasaaraha la soo celiyay ee xumumada KMG ah waxa uuna sheegay in uu masuul ka yahay guiul darada Dowlada.

Indha Cade markii hadalkaasi uu jeediyay ka dib waxaa dhabar jab ku noqday markii la soo celiyay Sharma’arke isagoo arintaasi aan wax war ah ka siinin saxaafada balse caro ka qaba hadalkii ka baxay iyo Xukumadii uu isaga weli ka mid yahay uu Ra’iisul wasaare ka sii yahay Sharma’arke.

Masuulkan ayaa waxa uu leeyahay Ciidan badan waxaana dhammaan askartiisa ay yihiin kuwa ka barbar dagaalamaya Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo Degmada Hodon ciidan ka samaysan.

Dhammaan gaadiidikiisa dagaalka waxa ay ku jiraan aaga hore ee Degmada Hodon waxaana marar badan ay hormar ka gaareen dagaalo ka dhacay xaafadaha Hodon waxa uuna kaalmeeyaa ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Sheekh Indha Cadde waxa uu ka shakisanyahay saraakiish a Dowlada qaarkood oo uu u arko in aanay doonayn dowlada indhul ay qabsato wallow isaga aanu marnaba saraakiishaasi shaqo galin shakina uu ka qabo.

Yuusuf Indha Cade markii uu Dowlada ku soo biirayay warar ay Mobail;ada ku baahiyeen rag shabaab ah oo xiriir la soo sameeyay ka dibna ka Xaday Cod ayaa waxa uu ku cadeeyay hadafka uu dowlada u soo galay kaasi oo  ahaa in uu ka guulaysto Alshabaab isagoo adeegsanaya Ciidanka Dowlada.

Wadaadkan siyaasadiisa ay marar badan is badashay atyaa waxa uu waayay wax garab ku siiya dagaalka uu kula jiro Alshabaab oo ah mid ka go’an in uu ka cirib jaro dalka Kooxdaasi oo marar badan colaadisay isaga.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ahna  hogaan sare oo Cidian ayaa waxa uu haatan ka fiirsanayaa dalab ay u soo jeediyeen sida aynu warka ku helnay saraakiil ka tirsan Ahlu sunnah oo ku qanci la’ heshiiskii Dowlada ay la galeen oo fulintiisa ay weli dhici la’dahay.

Saraakiishaasi ayaa waxa ay masuulkan caraysan u soo jeediyeen in uu ku soo biiro islamarkaaana uu isaga baxo Dowlada Shariif Sheekh Axmed oo gacan ku siin waysay shaqada uu haayay .

Illaa hadda ma cadaynin Masuulkaasi fikirkiisa siyaasadeed waxana weli mari la’ qaabkii loogu qarxiyay meel u muuqata madaxtooyada Viklla Somalia oo miino Rumiidka laga hago loogu dhigay.

Hadaba la ogaan doonee halka uu saldhigto Yuusuf Indha Cadde oo hadda ah masuul shakki ka qaba shaqada uu u sii haynayo Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: