Yuusuf Indha Cadde oo is casilay
Bartamaha(Muqdisho):-Sida aad kula socoteen Warar horay u soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Muqdisho waxaa si dhab ah isku casilay Yuusuf Indha Cadde oo ahaa wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde ayaa manta si rasmi ah isku casilay xilli horay loo hadal haayay wada hadal u socanayay isaga iyo Ahlu sunnah wal Jamaaca.
Qorshaha Is casilaaada Indha Cadde oo www.Bartamaha.Com soo gaaray muddo Laba Todobaad ka hor ah ayaa waxa uu yimid markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Masuulkan marna ah Hogaamiyaha Ciidan u gaar ah oo Dowlada uu kula soo biiray ayaa waxaa maanta soo baxay in uu si dhab ah isku casilay.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Indha Cadde uu jagada iska casilay isagoo ka caraysan Saanad ciidan iyo Hub uu ka dalbaday madaxda sare ee Dowlada si uu ula dagaalamo Kooxaha uu sida aadka ah u necebyahay ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Sheekh Indha Cadde ayaa hadda mid ka mida idaacadaha Muqdisho u sheegay in jagada uu iska casilay isagoo ka dalbaday in loogu yeero Magaciisa oo kaliya.
Carada heerkan sare gaartay ee lag dareemayay Indha Cadde ayaa timid markii hadal culus uu jeediyay xiligii ay soo baxaysay wareegtadii hordhaca ahayd ee ka soo baxday madaxweynaha taasi oo lagu kala diray Xukumada wallow dhaawac siyasadeed ay gaartay masuulkan markii xukumada dib loo soo celiyay .
Indha Cadde ayaa ahaa sargaal Dowlada ku soo biiray Dowlada bishii April sanadii tagtay ee 2009 xiligaasi oo Muqdisho ay ka bilaabatay rasaasta illaa xiligan aan joogsan ee Alshabaab ay ku weerarayan Dowlada KMG ah.
Sheekh Indha Cadde ayaa markii Dowlada uu ku soo biiray illaa xiligan uu doonayay in xukumada ay guulaysato isagoo hogan u noqday dagaalo badan oo Dowlada gashay balse dhabar jab uu ku dhacayay Ciidanka markii ay waayaan Saanada Militari iyo rasaasta.
Masuulkan waxa uu Ra’iisul wasaaraha dusha u saaray masuuliyada jabka askarta Dowlada KMG ah taasi oo uu u sababeeyay in aan loo ogolayn guusha iyo Hubka ay ku dagal gali lahayeen.
Hadaba isku soo duub Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo aha sargal jecel dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiinta Mucaradka ayaa waxa uu dhawaanahan wada hadal kula jiray Ahlu sunnah Wal Jamaaca waxaana lagu wadaa in uu noqdo hogaanka Ahlu sunnah ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdish-Somalia
Comments
comments