Yuusuf Indhacade oo cambaareeyay kooxda alshabaab
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya ayaa dusha uga tuuray masuuliyada dad shalay ku l’aday gaari Bl-ah oo madfac uu kula dhacay KM.13 duleedka Muqdisho.
Yuusuf Maxmed Siyaad Indha Cadde Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga ayaa sheegay in Dowlada aanay wax madfac ah u ridin deegaanada loo barakacay balse ay alshabaab madfac ku dhifteen gariga rakaabka ah.
Indha Cadde ayaa xusay in mararka qaar madaafiic ay ku dhacaan shacabka marka rasaas iyo madaafiic lagu rido xarumaha Ciidamada Amisom taasi oo uu sheegay in ay xaq u leeyihiin jawaabta ay bixiyaan.
Dowlada KMG ah ayaa inta badan iska difaacda masuuliyada qasaaraha shacabka gaara xiliyada ay duqeymaha u geystaan Amisom iyo Askarta Dowlada goobo ay shacabka joogaan
Shalay ayay ahayd markii Madfac uu ku dul habsaday gaari marayay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka KM.13 oo madfac uu kula dhacay gaari Bl ah oo dad ku dilay kuwa kalana ku dhaawacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments