Xuska 17 April oo ku aadan maalinta beerista dhirta aduunka oo manta muqdisho ka dhacday.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Cabdullaahi Xaaji oo ka hadlay munaasabadda lagu xusayay maalinta dhirta aduunka oo ka dhacday maanta xarunta maamulka Gobalka Banaadir Ayaa sheegay islamarkaana ku baaqay in la hakiyo jarida dhirta sidoo kalana waxa uu ka digay dhoofitanka dhuxusha.
Waxa uu sheegay jarida dhirta iyo dhoofitaankeedaba ay keenayaan nabaad guur ku yimaada deegaanka islamarkaana loo baahan yahay in laga waantoobo arrimahaasi.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiiru dowlaha wasaradda beeraha xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa oo ku dheeradaay ahmiyada ay leedahay dhirta.
Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ku ah dhanka dhirta iyo beeraha intaba islamarkaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan uga faa,iideestaan Dhirta iyo sidoo kaleba xoolaha intaba.
Ugu danbeyn wadanka Soomaaliya ayaa waxaa caadi ka noqday burburkii dowladii dhexe kadib xaalufinta dhirta taana waxay sababtay in nabaad guur ku yimaado deeganada qaar oo ay ka dhacdo dhul daaqsimeed la,aan.
Xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments