Xulka U-20 Ee Qaranka Soomaaliya oo iska bareejeeiyay Xulka Tanzania.
Bartamaha (Asmara) :- Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee dadoodu ay 20 sano jirka tahay ayaa iska bareejeeyay Xulka Tanzania .
Ciyaar shalay galab ka dhacday Garoonka Kubada Cagta Ee Magaalada Asmara ayaa waxa isaga horyimid Xulalka Soomaaliya iyo Tanzania iyadoo Soomaaliya ay iska caabisay Xulka Wadabnka Tanzania.
Ciyaarta ayaa waxaa la isku mari waayay daqiiqadihii hore waxaana markii Kaambiya 2-aad la isku soo laabtay ay uu shabaqa dhaafi kari waayay bareejo 1-1 ah oo ay ku kala bexeen Labada Xul.
Tartanka xulalka da’ yarta ee Bariga iyo bartamaha afrika ayaa waxa Soomaaliya Kulankii 1-aad ay la yeelatayXulka Wadanka Sudan waxaana ay ciyaartaasi ku dhamaatay 0-0 taasi oo noqotay rajada 1-aad ee soo gashay Xulka Soomaalia.
Bareejada Shalay ay galeen Xulka Soomaaliya ayaa sii balaarinaya rajada Soomaalida ay ka qabaan Koobka la dhex dhigay Ciyaartoyda Da\yarta Ee Bariga iyo bartamaha Afrika ee haatan ka socanaya dalka Eretria.
Ciyaarta inta ay socotay waxaa Calaamada Gaduudan qaatay Ciyaar yaranka Khadka dhexe ka dhisa Kubada Ee C/kariin Yare kaasi oo halis galiyay ciyaar yaran ka tirsanaa Xulka Tanzania oo dhibaata uu gaarsiiyay.
Rajada xiligan ee Xulka Soomaaliya ayaa ah mid dardar ku socota waxaana u dhiman weli Kulamo adag oo ay uga hortagi doonaan xulal badan oo ku can baxay in Koobkaasi ay geeyaan dalalka ay ka soo jeedaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments