Xulka Soomaaliya oo ka qeyb galaya tartanka CECAFA 2012 – Isku Aadka
Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika CECAFA oo dhawaan ka furmi doona wadanka Uganda.
Isku aadka cayaaraha CECAFA ayaa manta lagu sameyay magalada Kampala ee wadanka Uganda iyadoona ay Soomaaliya gashey Group-ka B.
Isku aadka Group-yada ayaa sidaan u dhici doono
Group A , Uganda, Ethiopia, Kenya, South Sudan
Group C, Somalia, Sudan, Tanzania, Burundi
Group D, Rwanda, Malawi, Zanzibar, Eritrea
Kooxaha kual jira Soomaaliya Group-ka B ayaa waxa ku jiraa kooxo Ad-adag iyadoona lagu tilmaami karo group-ka dhimashada.
Wadanka Jabuuti ayaa ka cudur daartey inuu cayaarahan kazoo qeyb galo iyadoona booskaasi lagu buuxiyay wadanka Malawi oo marki ugu horeysay ka qeyb galayo.
Xulka Qaranka Soomaaliya oo haatan ku sugan magalada Kampala ayaa tababarkooda bilaabay iyagoona ku tababarta garoonka ambole ee magaaladda Kampala
Comments
comments