XULKA SOMALI WEEK DIASPORA OO U AMBABAXEY MAGAALADA DUBAI
Bartamaha (London):- Waxaa caawa garoonka diyaaradaha Caalamiga Heathrow ee magaalada London ka ambabaxey kooxda xulka kubadda cagta Somali Week Diaspora oo ka koobnaa ciyaartooy, macalimiin, maamulayaal iyo taagerayaasha Somali Week London, kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Dubai, kadib markii ay casumaad ka heleen Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.
Xulka Somali Week Diaspora inta ay joogaan halkaasi waxay ciyaaro saaxiibtinimo kula yeelan doonaan kooxaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka AUE, sida uu ii sheegay mudane Maxamed Buuwe oo ka mid ah xubnaha wafdiga hogaaminaayo Qurbajoogta Isboortiga magaalada London.
Waxaana garoonka ku sii sagootiyay mudane Axmed Cabdi Daahir ‘’Shell’’ oo ka mid odayaasha Isboortiga Soomaalida degan magaalada London, Bile Cali ( MBC) oo isna ka mid ahaa ciyaartooydii heerka koowaad ee kooxaha dalka Soomaaliya iyo aqyaar kale.
Kooxda Qurbajoogta waxaa macalin u ah macalin Dahir Gacamey oo ka soo mid ahaan jirey barisamaadkii ciyaartooydii hore ee kubadda cagta kooxda Muqdisho, halka ciyaartooydana laga soo xulay kooxo ka dhisan magaalooyinka London,Bermingham,Bristol, Liecester iyo Manchester, kuwasoo qayb ka ahaa koobkii Summerka Somaliweek London.
Safarka noocaan oo kale ah wuxuu waxtar weyn u yahey isku xirka jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kale baahsan dunida dacaladeeda, qaasaten isbarashada dhalinta soo koreyso, kuwasoo mustaqbalka dalkooda laga filaayo ama laga sugaayabo inay wax badan ka badalaan xaalada uu maanta ku sugan yahey dalkooda hadii Allah idmo.
Wixii warar isboorti ah oo ku saabsan safarka kooxda Somali Week Diaspora dib ayaan idin kaga soo qori doonaa hadii Allah idmo.
W/D: Yusuf Yusuf
London
Comments
comments