Dowladda KMG ah OO shaacisay goorta la qabanayo shirka wadatashiga
www.Bartamaha.com:-Afhayeenka Xukuumadda Cabdi Raxmaan Cusmaan Cumar Eng Yariisoow ayaa sheegay shirkii golaha wasiirrada ee khamiistii ku yeesheen magaaladda muqdisho oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasare Cabdi weli Maxamed Cali looga hadlay Arimo ay ka mid ahaayeen Amaanka, horumarka ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho, Shirka wada tashiga iyo arrimo kale.
Yariisoow ayaa intaa ku daray in kulankii shaley warbixin looga dhageeystay Guddi heer Wasiirro ah oo soo booqday goobihii laga saaray todobaadkan ururka Al- Shabaab. iyagoo soo jeediyay tallooyin ku aadan in si deg deg ah loo dhiso maamullada dagmooyinka, waxaana arrintaasi loo xilsaaray ayuu yiri Wasaaradda arrimaha gudaha.
Sidoo kale waxaa kulankii shaley warbixin looga dhageeytay guddi heer wasiir ah oo uu ka mid ahaa wasiirka Dastuurka waxa ayna sheegeen in shirka wadatashiga la qaban doono 4 ta ilaa 6 da Sebtembar kaas oo ay ka qeybgali doonaan qeeybaha bulshada.
Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay heshiis lala galaayo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magaccaabo Nile taas oo wasaaradda Waxbarashada ka caawin doonta dib u dhiska dugsiyada waxbarashadaa.
Comments
comments