Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo balan qaaday wada shaqeyn
Ra’isal wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay inuu xoojin doono xiriirka xukuumada iyo baarlamaanka ay leehyihiin.
RW Shirdoon ayaa la hadlayay ka hor hadlayay baarlamaanka markii lagu hordhaariyey xubnaha xukuumadda cusub uu sheegay si hufan oo ka duwan sidii dowladihii iyo baarlamaanadii hore ee KMG u wada shaqeyn jireyn u wada shaqeyn doonaan.
‘’Waanu idinla tashaneyna waana idiinlla imaandoonna wixii nagu adkaada xuquuqdiina waad heli doontaan wadashaqeyn wanaagsanna waanu yeelaneynaa aadbaana ugu faraxsanahay inaan arko wadashaqeyn dhexmarta xukuumadda iyo Baarlamanka.’’ Ayuu yiri R/wasaaha J.F.Somaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Dhankiisane Gudoomiyaha baarlamaanka Prof, Maxamed Cusmaan Jawaari waxa uu sheegay iney ka go’an tahay iney xiriir wanagsan ka dhex abuuraan baarlamaanka iyo xukuumadda.
Prof, Jawaari ayaa ka codsaday xukuumadda in la dhameystiro garsoorka, si loo dhameystiro xuquuqda muwaadiniinta Soomaalida, waxana uu sheegay in dhibaatada ugu badan ay ka jirto garsoon la’aan iyo cadaalad daro.
”waa in la dhameystiraa dhismaha hey’adaha garsoorka si loo helo garsoor lagu kalsoonaan karo oo ummadda Soomaaliyeeed ugu adeega si caddaalad ah” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamanka
Comments
comments