read more »">
Calendar

Xukuumadda Dowladda FKMG “Dhalinyaro kasoo Goosatay Meleeshiyaadka Shabaab ayaa nagu soo Biiray Dagaaladii Mugadisho kadib”

6301Mugadisho/Bartamaha:Xukuumadd a Dowladda FKMG Soomaaliya aya shaacisay in Dhalain yaro ka tirsanaa Meleeshiyaadka Shabaab aya isku soo dhiibay dowladda FKMG Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda KMG Sheekh C/risaaq Qeeloow ayaa sheegay in Dhalinyarada kasoo goosatay Kooxda AL-Shabaab ayaa go’doomiyay Dagaaladii Maalmihii lasoo dhaafay Mugadisho ka dhacay waxayna haatan ku biireen Dowladda FKMG.

Sheekh C/risaaq Qeeloow oo ah Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda KMG ayaa Warbaahinada Mugadisho u sheegay Askarta kasoo goosatay Shabaab inay ahaayeen Labo Dhalin yaro oo ku go’ay Dagaaladaii Mugadisho ka dhacay kadib markii ay go’doomiyeen Ciidamadii Dowladda u dagaalamayay kadibna ay isa soo dhiibeen Labadaan Dhalin yaro.

Waxaa Soo kordhaya Askarta kasoo goosanayso dhanka Shabaab iyagoo ku soo biiraya Ciidamada Dowladda FKMG Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Soomaaliya balan qaadaye in Cidii kasoo goosataa Meleeshiyaadka Shabaab ay soo dhaweyn doonaan islamarkaan ay tababar siin doonaan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Wasiirka gaashaandhiga ayaa ka waaniyay Dhalinyarada Ee Shabaabka u adeegsadaan Furumaha hore Ee Dagaalada iyagoo qiray  in taba badan Dhalinyarada ay ku waxyeeloobaan dagaalada waxayna Saraakishan ugu sarayso Dowladda FKMG Soomaaliya sheegeen inay soo dhaween doonaan Qof walba oo ksaoo goosataa Mucaardaka Shabaab.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: