Tacsiir lagu fuliyay dhalinyaro Aflaam ka daawanaysay
Bartamaha(Kismaayo):-Maamulka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa shalay xukun Tacsiir ah ku fuliyay dhalinyaro lagu sheegay in ay daawanayeen Aflaam Anshax dara ah.
Fagaara ku yaala Magaalada Kismaayo ayaa shalay lagu tacsiiray dhalinyaro la sheegay in ay daawanayeen Aflaam anshax dara ah oo ku jirtay Mobilada ay haystaan.
Dhalinyarada la tacsiirayt ayaa waxa ay qirteen in ay daawanayeen Aflaamtaasi waxaana goobta lagula dhiftay midkiiba 30-Karbaash oo la sheegay in uu mutaystay.
Waxaa Kismaayo horay looga mamnuucay Daawashada Aflaamta iyo dhagaysiga Heesaha ku jira Mobilada iyadoo marar badan tacsiir lagu fuliytay dhalinyaro lagu qabtay daawashada aflaamta.
Ma aha markii ugu horaysay ee xukun nuucaani oo kala ah uu ka dhaco Magaalada Kismayo ee Gobolka Juybada Hoose iyadoo maamulka ay jeediyaan amaro lagu mamnuucayo daawashada Aflaamta Hindiga iyo Ameerikaanka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Somaaliya
www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments