Calendar

Xukun Tacsiir ah oo Alshabaab ay ka sameeyeen Gudaha Magaalada Baladweyne.

tacsiirta_Al_ShabaabBartamaha(B/Weyne):-Maamulka Alshabaab Gobolka Hiiraan ayaa meel fagaara ah ku garaacay dhalinyaro lagu Eedeeyay dembiyo shareecada ka dhan ah.

Fagaara ku yaala Magaalada Baladweyne ayaa lagu tacsiiray dhalinyaro gaaraysa 4-dhalinyara ah oo lagu eedeeyay in ay daawanayeen aflaam anshax dara ah.

Saraakiisha Alshabaab Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadooda ay howlgalo balaaran ka samaynayaan qeybo ka mida Magaaladaasi.

Sargaal u hadlay Alshabaab ayaa sheegay in dhalinyarada ay caada ka dhigteen daawashada Aflaamta aan ku wanaagsaneen anshaxa Diinta Islaamka.

Ragga la xukumay ayaa lagu garaacay fagaarahaasi xilli ay daawanayeen boqolaal dadweynaha Magaalada Baladweyne gaar ahaan dhanka Galbeed oo ay Xarakada Alshabaab maamusho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: