Xukun lagu riday Laba nin oo ku libisan Xijaab iyo Niqaab oo dhawaan lagu qabtay Gaal-Kacyo.
Bartamaha(Garoowe):-Maxkamada Magaalada Garoowe ayaa maanta xukuno ku riday Laba nin oo lagu qabtay GaalKacyo xilli ay xernaayeen Xijaab iyo Indhashareer.
Waxaa maanta si rasmi ah Maxkamad loo soo taagay Laba nin kuwaasi oo ku libisnaa xiliga la qabanayayLibiska Haweenka sida Xijaabka iyo Indhashareerka.
Maxkamada ayaa waxa ay maanta xukun dil ah ku riday Xuseen Maxamed Cali opo la sheegay in uu ahaa nin la shaqeeya Alshabaab oo meela badan dinbiya ka soo galay.
Xuseen ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Gaal-Kacyo isagoo watay Lacag 260-$ ah iyo Kamirad iyo qalab kale oo la sheegay in uu u adeegsanayay ka qeybgalka abaabulada qaraxyada iyo ammaan darada Puntland.
Maxkamada ayaa waxa au ninkaasi ku riday Xukun dil ah in lagu fuliyo wallow uu isla goobta ka dalbaday in racfaan la siiyo illaa waalidiintiisa ay ka ogaanayaan.
Ninka kale ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdiwali kaasi oo la sheegay in uu danbigiisu ahaa dhaca Bulshada rayidka ah isagoo dhowr jeer ammaan daro ka sameeyay Magaalada Gaal-Kacyo
Ninkaasi ayaa waxa ay Maxkamada ku riday 10-Sano oo xarig ah taasi oo la sheegay in si rasmi ah ay uga bilaabanayso saacda uu xukunka ku dhacay ninkaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments