Xukumada KMG ah oo niyada u dagtay soona dhaweysay doorashada Shariif Xasan.
Bartamaha(Muqdisho):-Xukumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay doorashada Shariif Xasan oo wasiirada ka tirsanaa.
Xukumada KMG ah oo ahayd Xisaab sugto ayaa waxaa ay farxad muujisay markii Gudoomiye Baarlaman loo doortay shariif Xasan Sheekh Aadan.
Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah Ra’iisul wasaare Xigeen ahna Wasiirka Kaluumaysiga ayaa waxa uu shaaca ka qaaxday in Xukumada ay ku faraxsantahay doorashada vmid ka mida Golaha Wasiirada.
Ibbi ayaa sheegay in wasiirkii Maaliyada uu guulasytay ay la mid tahay xukumada oo guul gaartay isagoo sioo dhaweeyay doorashada Shariif Xasan.
Xukumada ayaa waxaa Neef ay ka soo fuqday markii la doortay shariif xasan oo ahaa masuulka ugu cuslaa xukumada oo ay sugaystay xisaabta ugu badan wakllow haatan uu noqday Gudoomiyaha Baarlamankii la xisaabtamo lahaa Xukumada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â
Comments
comments