Xujayda oo maanta taagan Banka Carafa.
Bartamaha (Makka Al Mukarama):- Xujayda Muslimiinta Caalamka ayaa maanta gudanaya Rukniga ugu weyn Ee Xajka.
In ka badan 18 kun oo xujey Soomaali ah oo la raaciyay Xujayda Caalamka oo Malaayihiin Muslimiin ah oo sanadkan xajinaya ayaa waxa ay maanta taaganyihiin Banka Carafo oo ah rugniga ugu muhiimsan Ee Xajka.
Xujayda ayaa u dhaqaaqay ka dib salaadii duhurka Musdalifa oo ay ku tukan doonaan Salaadaha Maqribka, Cishaha iyo salaada Subax waxaana xiligaasi kadib ay dib ugu laaban doonaan Maagalada Mina.
Sanad kasta ayaa malaayiin Muslimiin ah waxay daafaha dunida uga yimaadaan gudashada waajibaadka xajka oo ah tiirka 5-aad ee diinteena Islaamka.
Dhammaan Muslimiinta Caalamka ayaa waxa ay kala socdaan shaashadaha Caalamka gudashada Acmaasha Xajka waxaana Muslimiinta aanay u suurtagalin Xajinta ay yihiin kuwa Sooman oo sidaasi uga faa’iidaysanaya.
Lama soo sheegin wax qasaara ah sida wakaaladaha sida gaarka ah u soo tabinaya Xajka ay muujinayaan wallow kuleelkii darnaa sanadkan aanu jirin balse dadka ay yara dareemayaan neecaaw qabow ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments