Calendar

Xubno ka tirsan Ahlu sunnah oo qaadacay Heshiiskii Addis Ababa.

ahlu sunaahBartamaha(Gal-Gaduud):-Xubno ka tirsan Kooxda Ahlusunna Wal jamaaca ayaa si toos ah u diiday heshiiskii ka soo baxay Magaalada Addis Ababa. 

Koox Ahlu sunnah ka dhex muqata oo ku kulmay Guri Ceel ayaa waxa ay sheegeen in heshiiskii Addis Ababa uu ahaa mid shirqol ah oo aan lo baahnayn.

Madaxa arrimaha dibadda ee Ahlusunna Sheekh Bashiir Cabdi Colaad iyo xubno kale oo ay isku fikir yihiin ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid lagu shirqoolay ururkooda laguna qasbay.

Sheekh C/Qaadir C/laahi Abuu-Sakariya oo ah masuul ka mida Waaxda Dacwadsa Ahlu sunnah oo ku sugan Guri Ceel waxa uu sheegay in aanu taageersanayn heshiiska.

Masuulkaasi waxa uu xusay in heshiiska ay sixiixeen masuliyiin ay garanayaan balse waxa uu yahay mid aan la isla wada qabin sida uu hadalka u dhigay.

Banaanbax heshiiska lagu taageerayo ayaa waxa uu ka dhacay Balanbal iyadoo Deegaanka Guri Ceel aad moodo in Ahlu sunnada dagan aanay ku qanacsanayn heshiiska.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: