Xoogaga Islaamiyiinta oo Maanta Guula balaaran ka gaaray dagaalkii ka dhacay Deg.Yaaqshiid.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada kooxaha Xizbul Islaam iyo Alshabaab ayaa maanta dagaalkii ka dhacay Degmada Yaqshiid waxa ay kula wareegeen Fariisino hor leh oo ay daganaayeen Ciidamada Dowlada Fd soomaaliya.
Ka dib dagaal qaraar oo maanta aan marnaba ka joogsan Deg.Yaaqshiid Ee Muqdisho ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxa ay ka gaareen guulo la taaban karo ka dib markii ay la wareegeen Deegaanada Fagax,Saldhigii Yaqshiid,Jamhuuriya Iyo Deegaanka Sii-Sii halkaasi oo dhammaan fariisino adag ku lahaayeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya.
Weerarka maanta dhacay ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii dhammaan deegaanadii ay joogeen islaamiyiinta ay shalay la waregeen ciidamo fara badan oo kuwa dowlada ah iyadoo saaka ay duulaan jihooyin badan ay soo qaadeen xoogaga Islaamiyiinta ah.
Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay agagaarka Saldhiga Yaaqshiid iyo deegaanka Jamhuuriya halkaasi oo ay awooda dagaalka ka soo aadeen islaamiyiinta taasi oo qasab ka dhigtay in dhammaan ciidamada dowlada ay isaga huleeleen deegaanada dagaalka ay ku galeen taasi oo ay islaamiyiinta gaareen gobo ay ciidamada daganaayeen.
Xoogagan iskaashanaya ee Alshabaab Iyo xizbu Islaam ayaa waxa ay dab qabadsiiyeen Hotela Nabuli iyo Hoyga Xildhibaan Bashiir Cadow Dheere oo labadaba ku yaala Agagarka Fagax.
Sidoo kale islaamiyiinta caraysan ayaa waxa ay galeen Hotel Laf-Weyn halkaasi oo uu markii ugu horeysay oo uu dalka yimid madaxweyne shariif uu daganaa iyadoo ay halkasi ka soo qaateen hub dhexyalay hotelkaasi iyagoo dab qabadsiiyay alaabo Hotelka uu lahaa.
Kooxahan islaamiyiinta ah ayaa muddo ka dib xilli danbe oo galabta ahayd waxa ay dib uga laabteen deegaanka Sii-Sii iyo Lafweyn iyagoo qorya saartay daara ku dhowdhow Isgoyska Fagax iyo Saldhiga Yaaqshiid Ee Muqdisho.
Xaalada deegaanadaasi ayaa caawa xasiloon iyadoo ay rasaas aan badnayn ay labada dhinac wadooyinka isku raacinayaan lamina oga qasaaraha ay sababayso rasaastaasi oo dhacaysa xilli habeen ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments