Xoogaga Islaamiga oo maanta bilaabay diyaar garow dagaal iyo wadooyinka Muqdisho qeybo ka mida oo la jaray.
Bartamaha (Muqdisho) Ururada Islaamiyiinta ayaa maanta bilaabay dhaqdhaqaaqyo Ciidan kuwii ugu xooganaa iyagoo burburiyay wadooyin laamiyada ah qaarkood kuwaasi oo ay ka qoden boholo difaac dagaal ah.
Ciidamada Ururada Mucaaradka ayaa galabta waxa ay wadooyinka Warshadaha iyo Terbuunka ka wadeen diyaargarow iyo baabulo adkaynta dhufaystayada ah waxa ayna gabi ahaanba jareen wadadii Warshadaha iyo tan Warshadii Caanaha Ee Muqdisho.
Maanta ayaa waxaa gabi ahaanba la jaray wadada laamiga ah Ee isku xerta Warshadii Caanaha iyo Terbuunka halkaasi oo ay ka shaqeynayeen baldoosaro iyo shaqaale ku howlanaa qoditaanka Wadada laamiga ah.
Dhanka Wadada Warshadaha ayay Ciidamo xoojin ah dhigeen Islaamiyiinta iyagoo gabi ahaanba jaray Wadada hormarta dhisihii wasaarada Gaashaandhiga halkaasi oo goob aan ka dheeren ay daganyihiin Cidamada Amisom.
Wadooyinkaasi ayaa la xaqiijiyay in laga qoday in ka badan 6-mitir oo dhirirka hoose ah iyo 10-mitir oo balac ah si ay isaga difaacaan taangiyada Ciidamada Amisom oo dhowr jeer oo hore si fudud kula wareegay deegaanadaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments