Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir “Meleeshiyaadka Shabaab Shacabka ayee Ku Gowracaan Suuqa Bakaaraha”
Mugadisho/Bartamaha:C/kaafi Hilowle Cusmaan oo ah Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Suuqa Baakaraha ay noqotay Goob dadka Lagu Qalo isagoo sheegay in xaaladaaasi uu haatan madaxa la galay Suuqa Weyn Ee dadka ka quud raasadaan.
Xoghayaha guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Shabelle mar uu la hadlay u sheegay in Kooxaha Mucaaradka ku ah dowladda Ee Al-Shabaab Ee Xarunta Suuqua Bakaaraha ku gowracaan Shacabka masaakiinta ayaa laga soo xigtay C/kaafi Hilowle Cusmaan.
“Waxaa qorsheynay in Dagaal xoogan aan ku qaadno Suuqa Bakaaraha ay saldhigyo u yihiin Meleeshiyaadka Shabaab, uma dulqaadan karno in Shabaabka ay Suuqa Baakraaha ka dhigtaan Goob Dadka Lagu gowraco islamarkaana xubnahooda kala maqan lagu soo bandhigo Suuqa Weyn Ee Bakaaraha” ayuu yiir Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Si Kastaba hadalka Xoghayaha guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir aya kusoo begmaya Xilli Suuqa Bakaaraha u xiranyahay islamarkaana ay noqtay goob hoy u noqtay inay kusoo dhacdo Madaafiicda ay isku adeegsadaan Kooxaha isku haya Siyaasadda Dowladda FKMG Soomaaliya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments