Calendar

Xog ku aadan Dilka Nin Shalay Muqdisho lagu toogtay (Xog sir ah)

bartanahaBartamaha__Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo dad aqoon u leh nin shalay ay dileen xarakada Shabaab kaasoo lagu eedeeyey inuu basaas u shaqeynayey CIA-da Mareykanka.

Waxaa maanta RBC Radio soo gaaray fariimo nooga yimid dad sheegay inay ehelo ahaayeen ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray AXMED CALI XUSEEN balse loo yaqaano “Axmed Kayse” siday noo cadeeyeen dad eheladiisa ah oo maanta nala soo xiriiray.

Taariikhda Axmed Kayse

Axmed Cali Xuseen “Axmed Kayse” waxaa da’diisu ahayd 44 jir, wuxuu ka soo jeeda deegaanada Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) oo uu ku dhashay.

Eheladiisa waxay noo fasaxeen inaan sheegno qabiilka ninkaasi iyagoo noogu sheegay beesha {CIDA-GALE} oo deegaan ahaan degan Hargeysa.

Axmed Kayse waxaa uu wax ku soo bartay dalka Sudan wuxuuna jaamicada ka qalin jabiyey 1988, wixii xilligaas ka dambeeyeyna wxuu ku biiray ururkii AL-ITAXAAD ee uu hogaamin jiray Xasan Daahir Aweys. Hase yeeshee sanadihii sagaashameeyadii ayuu isaga baxay AL-ITAXAAD.

Sanadkii 1995 markii ay bilawdeen xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ayy Axmed Kayse ka mid noqday raggii wax ka waday dhaqdhaqaaqyadii ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee ka bilawday Muqdisho, balse sanad kadib wuxuu u wareegay deegaanada Somaliland halkaasi oo wakiil uu uga ahaa siyaasadii Maxkamadaha illaa ciidamadii Ethiopianka ay soo galeen wadanka.

Markii ay kala jabeen Ururkii Maxkamadaha iyo xarakada Shabaab sanadkii 2009 ayuu Axmed Kayse ka mid noqday dhinaca Al Shabaab, wuxuuna aad ugu dhowaa labada nin ee ugu sareysa Shabaab oo kala ah Axmed Cabdi Godane (oo loo yaqaano Abu Zubeyr) iyo Ibraahim Xaaji Cali Afqaani (oo loo yaqaano Sheekh Abuakar seylici) oo labaduba ka soo jeeda deegaanada Somaliland.

Waxaa naloo sheegay in Axmed Kayse iyo Ibraahim Afqaani ay ahaayeen ilmo adeer dhow marka loo eego xagga wada dhalashada.

Hawlihii uu soo qabtay

Axmed Kayse waxaa uu ahaa nin hanti leh gaar ahaana waxaa uu ka shaqeyn jiray arimaha gargaarka sanadihii 1990 illaa 1995 isagoo xilligaas ka mid ahaa dadkii ka qeybqaatay hawlihii gurmadka ee dhinaca samafalka. Wuxuuna ku shaqeyn jiray hay’ad gargaar.

Uurkii Maxkamadaha waxaa u qaabilsanaa dhinaca maaliyada oo uu aad uga taageeri jiay gaar ahaan gobolada Waqooyi ee Somaliland oo uu lacago uga s oodiri jiray ka hor intii Maxkamadaha dalka laga saarin 2006.

Markii uu Shabaab ku biiray wuxuu si aad ah u taageeray Axmed Godane iyo Ibraahim Afqaani oo ay ilmo adeer ahaayeen, waxaana la sheegay in had iyo jeer ay wada joogi jireen saddexdooda.

Hase yeeshee sanadkii 2009 bishii May ayaa khilaaf xpoogan wuxuu ka dhex abuurmay Axmed Kayse iyo labada nin ee Shabaabka ugu sareeya kadib markii sida la sheegay Axmed Kayse uu la yimid isbedel ay ka shakiyeen saraakiisha Shabaab, waxayna arintaasi keentay in isaga la xiro.

Axmed Kayse ayaa xabsi Shabaabku leeyihiin wuxuu kujiray mudo ku dhow sanad iyadoo mudadaasina ay socdeen wada hadalo u socday Saraakiisha sare ee Shabaab oo ka arinsanayey isla markaana baaritaan ku hayey waxyaabaha lagu eedeeyey Axmed Kayse.

Eedaha loo jeediyey

Siday sheegeen Saraakiisha Shabaab waxaa Axmed Kayse lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka iyagoo taasi u cuskaday xiriirkii u la lahaa hay’ado caalami ah iyo kuwo Maxalli ah oo waayadii hore dhaqaale badan siin jiray Shabaabka iyo Maxkamadihii Islaamiga. Waxaa sidoo kale arinta sii cakirtay safaro dhowr ah oo sanadihii 2008 illaa 2009 uu ku tegey magaalada Nairobi kuwaasoo qeyb ka ahaa arimaha dhaqaale ee u waday Maxkamadaha Islaamiga.

Eedeymahan markii ay ka warheleen saraakiisha Shabaab gaar ahaan ragga ajaniibta ah ayey aad uga tuhmeen in Axmed Kayse uu ka gudbiyey sir maadaama ajaaniibta Shabaab ku dhex jirta ay aad isu qariyaan kana cabsi qabaan in duqeymo lala beegsado.

Bishii December 2010 ee la soo dhaafay ayaa kiiska Axmed Kayse ay la wareegeen rag uu ku jiro Fu’aad Shongole, Mukhtaar Roobow iyo hogaamiyaal ajaaniib ah kuwaasoo wacad ku maray inay qoorta ka jari doonaan Axmed Kayse. Waxaana bilawday dood iyo muran in mudo ah soo jiitamayey oo u dhexeeyey Axmed Godane iyo Ibraahim Afqaani oo isku dhinac ahaa kuna doodayey inaan Axmed Kayse la dilin halka Fu’aad Shongole iyo Mukhtaar Roobow oo dhinaca kale ahaana ay qabeen in qoorta laga jaro ninka.

Sida nasoo gaartay intii uu socday wada hadalka ku saabsan arinta Axmed Kayse waxaa dhowr jeer lala yeeshay wareysiyo qaarkood laga duubay oo ay la yeesheen rag isugu jira Soomali iyo Ajaaniib oo ka tirsan Shabaab.

Waxaana ugu dambeyntii maalintii shalay oo taariikhdi ahayd 30-01-2011 lagu toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Maslax ee duleedka xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho, waxaa xukunkaasi gaarey maxkamada Shabaab ee gobolka Banaadir oo uu qaali ka yahay nin lagu magacaabo Sheekh Cumar kana soo jeeda Bay iyo Bakool iyadoo goobta dilkana uu joogay Waaliga Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Xuseen.

Sida nagu maqaal ah Axmed Kayse wuxuu ka tegey 4 xaas oo qaarkood degan yihiin Somaliland.

=================

Xigasho:-RBC,Raxanreeb.Com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: