Calendar

Xizbul Islaam oo u tag la’ Koox maleeshiya ah oo kacdoon ka Wada Sh/Hoose.

xizbul sial Bartamaha(Farsooley):-Kooxda Xizbul Islaam Deegaanka Toorotoorow ayaa qaati ka joogta Koox kacdoon ka bilowday Gobolka Sh/Hoose Maamulka Xizbul Islaam .

Wararka laga helaayo Deegaanada Farsooley iyo Toorotoorow ayaa sheegaya in Koox maleeshiyo isbiirsatay ah ay weerar joogta ah ku qaadaan saldhigyada Xibul Islaam ee Deegaanadaasi.

Dagaalo gaadma ah ayaa waxa ay joogta ka noqdeen Deegaano ka mida Gobolada Sh.Hoose iyadoo ay qaadayaan maleeshiyo lala xiriiriyay in ay Dowlada la shaqeeyaan kuwaasi oo kacdoon dhawanahan waday.

Maleeshiyada qaabka qabiilka u dagaalamaysa ayaa waxaa la soo shegayaa in ay weeraro joogta ah ku qaadaan Ciidamada Xizbul Islaam ee dagan Deegaanada Tooratorown iyo farsooley.

Maleeshiyada Xizbul Islaam la dagaalsan ayaa waxa ay dagaalka bilaabeen markii Sako lagu waajibiyay dadka Hantida leh islamarkaana la faray in ay dhiibaan Sakada lagu waajibayay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: