Calendar

Xizbul Islaam oo u hanjabtay Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ku Eedeysay in ay Dowlada hishiis la galeen.

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa digniin iyo Hanjabaad u jeediyay Ganacsato Soomaaliyeed oo la sheegay in ay hishiis la galeen Dowlada KMG ah.

Xoghayaha warfaafinta Ururka Xisbil Islaam Sheekh Max’ed Macalin Cali  oo saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in ganacsato Soomaaliyeed ay doonayaan in ay la wareegaan Dakada Muqdisho.

Masuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Dowlada kula hishiiyeen in ay dakada ku kireystaan bishii 3-Milyan oo doolar oo haatan loo hormarinayo 4-Bilood.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay in xiligan Dowlad ay qaadan rabto 12-Milyan oo doolar oo ay ganacsatadaasi dhiibayaan si ay Dakada u noqoto mid u madax banaan.

Dihniin ayuu u jeediyay ganacsatada isagoo sheegay haddii ay ka laban waayaan arintaasi ay dhibaato uga imaan doonto taasi oo u muuqatay mid ka soo go’day hopgaanka sare Ee Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: