Xizbul Islaam oo sheegtay in Alshabab ay doonayaan dagaal aan dhamaad lahayn iyo in aan Xal laga gaarin dagaalada Jubooyinka.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta si kulul u weerartay siyaasada Alshabaab ay ku doonayaan dagaalada ka jira Gobolada Jubooyinka iyadoo Xizbul Islaam ay guul ka sheegatay dagaalkii Dhoobley ka dhacay.
Madaxa Warfaafinta Koxda Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin oo maanta saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Alshabaab aanay doonayn dhammaadka dagaalada Jubooyinka.
Sheekh Maxamed Macalin  ayaa waxa uu sheegay in Shabaabka ay diideen in xal loo helo dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubooyinka oo ay labada urur isku qabteen.
Masuulka dhanka Warfaafinya Xizbul Islaam u qaabisan ayaa maanta si toos ah u weeraray Kooxda Shabaab oo uu sheegay in aanay doonayn xal loo helo dagaalada ka dhacay deegaano ka mida Soomaaliya.
Xizbul Islaam ayaa waxa ay sidoo kale guula balaaran ka sheegteen dagaaladii dhawaan ka dhacay Dhoobley in ay Xizbiga guula ka gaareen oo ay deegaankaasi la wareegeen.
Ugu danbayntii hadalka maanta ka soo baxay Ururka Xizbul Islaam ayaa waxa uu u muuqday mid circa ku sii shareeraya xiisadii ka taagnayd Alshabaab iyo Xizbul Islaam dhexdooda.
Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments