read more »">
Calendar

Xizbul Islaam oo shacabka reer muqdisho u cayintay goobo ay Maalinta beri ah salaadda Ciida ku tukadaan

xisbul-islaam_logo

Bartamaha(Muqdisho):- Ururka Xisbul Islaam ayaa u cayimay Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir goobo ay maalinta bari ah ku tukadaan Salaada Ciidul Adxaa.

Shir Jaraa’id oo uu galinkii danbe ee maanta qabtay ku xigeenka gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ee Ururka Xibul Islaam Sheekh Ibraahim Barre Cismaan ayaa waxa uu u cayimay dadweeynaha ku dhaqan gobolka Banaadir goobo ay ku tukadaan Salaadda Ciida.

Sheekh Ibraahim ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay guud ahaan shacabka soomaaliyeed Farxadda Ciida Carafo isagoona hambalyo qaas ah u diray xujeyda soomaaliyeed ee sanadkaan nasaiibka u yeeshay in ay gutaan Waajibaadka Xajka.

Waxa uu sidoo kale shee,mgay in ay ay isugu iman karaan dadweeynaha ku dhaqan gobolka banaadir goobaha uu maamulku u cayimay si ay ugu tukadaan Salaada Ciida Carafo waxaana uu ku sheegay in goobahaasi ay kala yihiin Degmada huriwaa, Barxadda ku taal Deegaanka Waxar iyo weliba Saldhigga Yaaqshiid isagoona ugu baaqay dadka reer muqdisho in ay goobahaasi isugu yimaadaan.

Sikastaba ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray masuuliyiinta ururka xizbul islaam ee ku aadan Salaadda ciida ayaa ku soo beegmaya xilli xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay iyana shaaca ka qaaday goobo dhowr ah oo ay ugu talo galeen in ay shacabka reer muqdisho ku tukadaan Salaadda ciida.

 

Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: