Xizbul Islaam oo qiratay ku biiridii Alshabaab
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Xizbul Islaam ayaa si cad shaaca uga qaaday ku biiritaankii Alshabaab.
Sargaal ka mid ah Xizbul Islaam ayaa faah-faahin ka bixiyay ku biiritaankoodii Kooxda Alshabaab waxaana uu u yeelayo sababo badan oo qaar ka mida horay ay u ogaadeen Warbaahinta.
Maxamed Cabdi Caruus waa sargaalkii Afhayenka dhanka dagaalada u ahaa Xizbul Islaam waxaana uu saaka si cad u sheegay in uu yahay sargaal ka mid ah Alshabaab ka gadaal markii ay midoobeen Labada koox.
Sargaalkan waxa uu cadeeyay in Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay u midoobeen la dagaalanka Amisom iyo Dowlada waxaana uu meesha ka saaray in cadaadis la saaray ka dib ay shabaab isku dhiibeen.
Sargaalkan waxa uu xusay in Shabaab ay yihiin Mujaahidiin muddo ay is garab taagnaayeen islamarkaana ay dhammaan dhalinyarada Xizbiga ay dalbadeen in la mideeyo Labada Maamul sidaa darteedna ay ugu biireen.
Caruus waxa uu carabaabay in Xasan Daahir Aweys iyo dhammaan Saraakiisha Xizbul Islaam ay hadda yihiin Alshabaab islamarkaana aanay marnaba ahayn kuwa cadaadis lagu saaray ka mid ahaanshaha Shabaab.
Warar horey Warbaahinta u heshay ayuu sargaalkan ka gaabsaday waxaana ka mdi ahaa in la faray ka mid noqoshada Shabaab maadaama laga qabsaday dhulkii ay haysteen mudada dheer oo dagaal iyo awood looga saaray.
Xizbul Islaam ayaa sanad ka hor la bilaabay dagaalkii lagu dhimayay awoodooda waxaana hadal horey loogu yiri baahiyay sargaal caraysnaa oo Kismaayo dagaal looga qabsaday hadalkaasi oo ahaa:-
Imaa Shabaab waa Immaa Shacab Wa immaa Shariif taasi oo macnaheedu ahaa in ay shabaab ka mid noqdaan ama Shacab ahaadaan ama ay ku biiraan Dowlada Shariif taasi oo muddo dheer ka dib run noqotay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments