Xizbul Islaam oo maanta qabsatay Xarardheere iyo qorshe loogu wareejinayo Guri-Ceel iyo Caabud-Waaq.
Bartamaha(Xarardheere):-Wararka naga soo gaaraya Xarardheere ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi la wareegeen maleeshiyaadka Xizbul Islaam.
Kooxda Xizbul Islaam ayaa ciidan badan geysatay Deegaanka Xarardheere Ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay aad ugu xooganyihiin Burcad Badeeda badda ka qaraabata.
Maleeshiyada Xizbul Islama ayaa waxa ay dageen Bohol Sheekh oo ah deegaan duleedka bari ka ah Xarardheere markii ay waayeen cid magaalada ku soo dhaweysa.
Ciidanka Kooxda ayaa muddo saacada ah ku dhex meeraysanayay gudaha Xarardheere waxa ayna waayeen cid soo dhaweysa ama kula dagaalanta gudaha Magaalada.
Dhanka kale Warar sir ah oo soo gaaray www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in Xizbul Islaam dhawaan la doonayo in lagu wareejiyo dhammaan Deegaanada ay haatan ku harsanyihiin Ahlu sunnah.
Magaalooyinka Guri-ceel,Caabud-Waaq iyo Matabaan ayaa la qorsheynayaa in loo gacan galiyo Xizbul Islaammaadaama ahlu sunnah ay ku jabeen dagaladii ka dhacay bariga galgaduud.
Ahlu sunnah ayaa ka baqanaysa in ay difaaci kari weyso Guri Ceel iyo Matabaan maadaama dhuusamareeb mugdi badan uu ku jiro oo ay alshabaab ku soo dhowyihiin.
Odayaasha deegaan ahaan dagan Deegaanadaasi ayaa waxa ay qorsheynayaan in ay ku gacan seyraan shabaab oo haatan doonaysa in ay la wareegto guud ahaan dhulka Galgadud.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â
Comments
comments