Calendar

Xizbul Islaam oo maamul cusub uga dhawaaqday Gobolka Gedo.

xizbul IslaamBartamaha(Luuq):-Kooxda xisbul Islaam ayaa maanta maamul cusub u dhistay deegaano ka mida Gobolka Gedo oo ay maamul ahaan uga talinayaan Kooxdaasi Xizbul Islaam.

Maamulka Cusub ayaa waxaa Deegaanka Luuq uga dhawaaqay Saraakiil sare oo ka mida Xizbul Islaam oo dhanka Muqdisho ka tagay dhawaanahan kulamo la ahaa madaxda Gobolka Gedo.

Sheekh Xasan al Ciraaqi oo ahaa Madaxii hore ee Amniga degmada Luuq oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin uu ka bixiyey xubnaha maamulka cusub iyo ujeedooyinka loo dhisey waxaana uu yiri.
1-Waaliga ee Xisbul Islaam G/Gedo Farxaan Cabdi Cilmooge

2-Gudoomiyaha degmada Luuq.Xuseen Maxamed Ibraahin

3-ku xigeenka Gudoomiyaha Maxkamada Sh.ibraahin cabdi maxamed.

4-Madaxa Amniga degmada Luuq-Cabdiraxmaan macalin Xuseen.

5-K/xigeenka Madaxa Amniga Luuq-.Jacfar Shire Cawaale.

6-Cali Guure Maxamed,Madaxa Arimaha Bulshada degmada Luuq

7-Madaxa maaliyada  degmada Luuq-C/laahi Cabdi Mataan

8-Madaxa Garsoorka  ee degmada Luuq . Sheekh Cali Yuusuf

9-Taliyaha Saldhiga degmada Luuq.C/rashiid Xasan Faarax.

Madaxda Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa ay sheegeen in maamulka la dhisay aanu ahayn mid u dhisan qaab qabiil balse loo dhisay qaab guud oo shaqada Mujaahidiinta ah sida ay hadalka u dhigeen.

Gobolka Gedo xilli waxaa ku xooganaan jiray Xizbul Islaam wallow inta badan haatan ay haystaan Kooxda Alshabaab iyadoo maamulka Xizbul Islaam uu ka shaqeynayo Deegaanka Luuq oo kaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: