Xizbul Islaam oo laanta socdaalka samaysatay.
Bartamaha (Ceelasha Biyaha):- kooxda Xizbul Islaam ayaa samaysatay Xafiiska socdalka iyadoo amartay dadka in aanay sharci daro u socdaalin.
Kooxda Xizbul Islaam deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa laanta scodaalka ka furtay gudaha Ceelasha Biyaha iyadoo amar siisay dadka dagan dhulkaasi.
Kooxdaasi ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in aan la ogolayn cid socdaal u aada wadamada diriska ama Caalamka iyada oo aan la soo socodkiis maamulka Xizbul Islam.
Kooxda Xizbul Islaam ayaa saraakiil ka socotay oo gaaray dhisamayaasha ay ku yaalaan Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxa ay u sheegeen in aan la ogolayn safrida qof aan sharciyad ka haysan Xizbul Islaam
Madaxa Dawcada Xizbul Islaam Ceelasha Biyaha Sheekh Xasan Dheere oo la hadlayay maamulada shirkadaha diyaaradaha ayaa waxa uu ogaysiiyay in ay joojiyaan safarka dhulka oo aan lala socodsiinin Maamulka.
Waraaqado ay diyaariyeen maamulka Xizbul Islaam Ceelasha Biyaha ayaa lagu xusay in looga baahan yahay in qof waliba uu qaaro xilkiga uu ka baxayo Ceelasha ama Muqdisho.
Amar bar bar socday samaynta Laanta socdaalka ayaa waxa uu noqday mid lagu diidayo dhoofitaanka dhalinyarada ka dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay.
Alshabaab ayaa dhankeeda horay u amartay in aan loo dulqaadan doonin waalidiinta caruurtooda ka dhoofinaysa guud ahaan gobolada koonfurta soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments