Calendar

Xizbul Islaam oo howlgalo ka samaysay Wadada u dhexeysa Gobolada Sh/Hoose iyo Bay.

xizbigBartamaha(Buur-Hakaba):-Ciidamada Xizbul Islaam ayaa ku dhaqaaqay howlgalo balaaran oo ay ku baacsanayeen Kooxo burcad ah oo dhawaanahan dhibaato ka waday Wadadaasi.

Howlgalka ayay Ciidanka ka sameeyeen wadada u dhexeysa Wala-Weyn iyo Buur-Hakaba ee ka kala tiresan Bay iyo Sh.hoose halkaasi oo Burcad ay gawarida shacabka ku baaran jirtay.

Sargaal u hadlay Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in ay soo xireen in ka badan 70-dhalinya ah oo inta badan ah Geeley balse ku howlanayd dhaca gawaarida shacabka.

Dadkan ay soo qabteen ciidamadda xisbul islaam ayaa qaarkood lagu tuhunsanyahay falal amni daro ah oo ay ka sameeyeen wadadaasi laakiin saraakiisha xisbul islaam waxaa ay sheegeen in baaritaano ay ku sameyn doonaan.

Howlgalka ayaa waxa uu qeyb ka yahay abaabulo dhanka ammaanka wax looga qabanayay oo ay Ciidanka Xizbul Islaam ka wadeen Wadooyin ka mida Gobolada Koonfurta Soomaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: