Xizbul Islaam oo diiday in la dhigo Xuska Mowliidka Nagigeenna Muxamed (NNKH).
Bartamaha(Luuq):-Maamulka Kooxda Xizbul Islaam Degmada Luuq ayaa bilaabay in ay dadka uga digaan Xuska Nabigeena Muxamed (NNKH) oo xiligii uu dhashay la joogo.
Taliyaha Amaanka Degmada Luuq ee Ururka Al-Xisbul Islaami Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in deegaanadda ay ka taliyaan aan lagu xusi doonin Nabigeena isagoo baadil ku tilmaamay xuska Nabiga.
Sargaalka Xizbul Islaam u hadlayay ayaa dadka uga digay in ay isku dayaan dhigida Xuska Nabi Muxamed (NNKH) isagoo sheegay in ay talaaba cad ka qaadayaan ciddii isku daydaa xuskaasi.
Al-Ciraaqi ayaa ah Sargaal ka dhex muuqda maamulka Xizbul Islaam Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo waxaana la sheegayaa in uu horay u ahaa dadka sida weyn uga qeyb gali jiray Xuska Mowliidaka wallow haatanuu isaga mamnuucay.
Dadka Deegaanka Luuqa ayaa si hoose u muujinaya in ay ka xunyihiin amarka Xizbul Islaam ka soo baxay islamarkaana ay xusayaa Nabigeena Muxamed (NNKH).
Horay ayaa waxaa Kooxda Alshabaab ay wacad ugu martay in ay taala ka qaadayso ciddii isku daydaa xuska Nabiga iyadoo waraaqo digniin ah dirbiyada Masaajida qaar lagu dhajiyay deegaano badan oo Soomaaliya ka mida.
Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments