Xizbul Islaam oo Dawlad islaamiya dhisaysa.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda awood ahan sii daciiftay ee Xizbul Islaam ayaa shaca ka qaaday in dhawaan ay dhisayaan Dowlad Islaami ah oo dalka ka shaqo gasha.
Xoghayaha Cusub ee dhanka arimaha Dibada Sheekh Maxamed Macali Cali ayaa ku dhawaaqay shir weyne qaran in dhawaan ay ku qabanayaan Dalka si Dowlad loo dhiso.
Sheekh Maxamed Macalin oo ka mid ah ragga isbadal doonka ah ee ku jira Xizbul Islaam ayaa iclaamiyay in dhawaan ay doonayaan dhismaha Dowlada Islaami ah.
Maxamed Macalin waxa uu shaaca ka qaaday in Xizbul ISslaam ouu yahay Urur Siyaasadeed ka shaqeynaya Dalka kaasi oo uu qiray in uu Dowlad dhawana dhisanayo.
Masuulkan ayaa waxa uu ka hadlay shirka ka socanaya Istanbuul oo uu ku tilmaamay mid aan looga hadlayn arinta Soomaaaliya iyo dhibaatada dhabta ah ee taagan.
Dhanka kale Sargaalkan ayaa waxa uu xusay in ay soo dhaweynayan dhammaan hay’adaha gargaaarka ammankoodana ay sugayaan haddii dalka ay ka shaqeynayaan iyaagoo gargar siinaya shacabka Soomaliyeed.
Xizbul Islaam ayaa cadaysay in ay arimaha soomalaiya ka damaacsantahay Nabaad waarta oo dalka lagu soo dabaalo waxa ayna Caalamk ugu baaqday in xalka Soomaaliya loo daayo soomalida dhexdeeda.
Xafiiska Wararka Soomaaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments