Xizbul Islaam oo dhalinyarada ka mamnuucday in ay dhexda xertaan.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa amar ku siisay dhalinyarada xerta dhexda in ay joojiyaan falkaasi oo ay ku sheegeen in uu shareecada ka baxdsanyahay.
Kooxda Xizbul Islaam ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin dhalinyarada iyo raga kale ee caadada ka dhigtay in ay dhexda dhuqsadaan taasi oo ay ku sheegeen in aanay shareecada lug ku lahayn.
Sargaal u hadlay Kooxda Xizbul Islaam oo hadal u jeedinayay dhalinyarada Baladweyne ayaa waxa uu u sheegay in aan lagu arki Karin dhex dhuuqsiga.
Sargaalka oo ka socday maamulka guud ee Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada looga baahanyahay in ay qaataan shareecada Islaamka islamarkaana aanay ku daysan reer galbeedka sida uu warka u dhigay.
Dhalinyarada reer Baladweyne ayuu ka dalbaday sargaalkaasi in ay u libistaan sida Islaamka isagoo ugu baaqay in ay qaataan saraakiisha gaaban, Cimaamado iyo  Koofiyadaha sunada sida uu jeclaystay ninkaasi.
Faragalintan ay Xizbiga bilaabene ayaa waxa ay la mid tahay qorshe dhawaanahan ay wadeen oo ay ku muujinayeen qaabka ay isaga dhigi karaan Alshabaab oo kale.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments