Xizbul Islaam oo dad ku xasuuqday Xarardheere.
Bartamaha (Xarardheere):- Kooxda Xizbul Islaam ayaa xasuuq balaarah u gaysatay dad badan oo loogu yeeray ka soo qeybgalka fagaare Xukun Tacsiir ah uu ka dhacayay.
Kooxo Maleeshiyaad ka tirsan Xizbul Islaam ayaa shalay galinkii danbe dad rayid ah xasuuq ugu gaystay gudaha Degmadaasi Xarardheere Ee Gobolkaasi Mudug ka dib markii dadkaasi laga dalbaday ka soo qeybgalka faraage Xukun uu ka dhacayay.
Dad ku sugnaa Fagaare ku yaala Xarardheere ayaa waxa ay bilaabeen in ay ka caroodaan xukunka wiil dhalinyara ah oo ay Xizbul Islaam ku xukuntay Tacsiir aanay ku salaynin shareecada Islaamka.
Dadka oo bilaabay sawaxan iyo buuq ayaa waxaa mar qura rasaas ku bilaabay Maleeshiyada xizbul Islaam waxaana goobtaasi lagu dilay 7-ruux halka 20-kalana dhaawac uu ka soo gaaray rasaastii lagu asqeeyay shacabkaasi.
Dadka ku dhamaaday goobta xukunka uu ka dhacayay ayaa waxa ay dhammaan ahaayeen shacab kuwaasi oo loogu yeeray ka soo qeybgalka xukunka fagaaraha uu ka dhacayay oo ahayd goob lagu tacsiiray wiil dhalinyara ah.
Xukunkii wiilkaasi ayaa waxa uu sabab ka dhigay in ay dhamaadaan dadkaasi maatada ah oo dhamaan ahaa shacab loogu yeeray fagaaraha ka dibna si bareer ah loo xasuuqay dadkaasi.
Lama garanayo waxa ay Xizbul Islaam ka yeeli doonto Maleeshiyaadkii laayay dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa Degmada Xarardheere Ee Gobolkaasi Mudug.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments