Calendar

Xizbul Islaam oo beenisay Ciidamo ka goostay oo shalay Madaxtooyada lagu soo bandhigay.

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa beenisay in ay ka goosteen Ciidamo kuna biireen dhanka Dowlada Soomaaliya xilli shalay madaxtooyada lagu soo bandhigay wiilal ka soo tagay dhanka Xizbul Islaam .

Guure Axmed Xalane oo ka mida Saraakiisha Xizbul Islaam Ee dhanka Dagaalada ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka tirsanayay Xizbul Islaam Ciidamo saddex askari ahaa oo shalay ku biiray Dowlada Soomaaliya.

Sargaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay tira koobanyihiin islamarkaana ay ka warqabaan niyada Ciidamadooda oo marnaba aan ku soo dhicin in ay la shaqeeyaan Kooxaha Ajaanibta kalkaalaya ee Umada xasuuqa u geystay sida uu hadalka u dhigay.

Saddex askari oo ka goostay Xizbul Islama ayaa shalay isku dhiibay Ciidamada Dowlada ka diba munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya Ee Villa Somalia halkaasi oo ay ka hadleen askartaasi.

Lama oga xaqiiqda hadalka sargaalkaasi Xizbul Islaam u hadlay iyadoo dhawaanahan ay sii badanayeen Ciidamada ka goosanaya dhinaca Islaamiyiinta ee isku dhiibaya Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo aan la garan ujeedada ka danbeysa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: