Calendar

Xizbul Islaam oo been abuur ku tilmaamtay in ay isaga bexeen Magaalada Balad-Weyne.

carleBartamaha(B/Weyne):-Ururka Xizbul Islaam ayaa si kulul u beeniyay in ay isaga bexeen guud ahaan Magaalada Balad-Weyne islamarkaana Ciidamada Dowlada ay qabsadeen Magaalada.

Sheekh Muuse Cabdi Caraale Xoghayaha Gaashaandhiga Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga iyo Ciidamadiisa ay ku suganyihiin Balad-Weyne isagoo sheegay inb ay doonayaan la wareegitaanka Kala-Bayr.

Muuse Caraale ayaa waxa uu beeniyay in Ciidamada Xizbul Islaam laga saaray B/Weyne dagaal shalay dhacay ka dib isagoo taasi ku sheegay mi dacaayad raqiis ah oo la faafiyay.

Sheekh Muuse Caraale ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Dowladaa aanay marnaba ku soo dhawaan Balad-Weyne oo ay joogaan deegaankii Xizbul Islaam ay ku weerareen iyo meela ka sii fog.

Sargaalkaasi Xizbul Islaam u hadlayay ayaa ugu danbayntii waxa uu shaaciyay in ay saxaafada u soo bandhigayaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu dilay Dagaalkii ka dhacay Ceel-gaal.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: