Xizbul Islaam oo Bandow saartay Degmada Afgooye.
Bartamaha (Afgooye):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa Xalay Bandow ku soo rogtay Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.
Banow saacada badan socanaya ayaa Xalay si toos ah uga hirgalay Degmada Afgooye Ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose halkaasi oo uu gaaray Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam.
Degmada oo ay ka taliso Kooxda Xizbul Islaam ayaa  si toos ah xalay loo saaray Bandow aan la garanayay inta uu saarnaan doono waxaana shacabka la faray in ay guud ahaan iska xeraan ganacsiga guryahoodana ku Ekaadaan.
Dhammaan Degmada ayaa la sheegay in lagu soo daadiyay Ciidan u badan Ilaalada Sheekh Xasan iyo kuwa Degmada oo kabaya si ay amniga Degmadaasi gacan uga geystaan.
Ciidanka ayaa mararka qaar la maqlayay rasaas ay ridayaan taasi oo aan la garanayn cida ay sida rasmiga ah ula beegsanayaan rasaastaasi oo dadka magaalada casbi ku beertay.
Wadaadka hogaamiya Xizbul Islaam ayaa lagu sababeeyay Booqashadiisa Xalay kulamo dhawaan ka dhici doona Degmadaasi oo dhexmaraya Alshabaab iyo Xizbul Islaam iyo sidoo loo dhexdhexaadin lahaa ganacsatada iyo maamulka deegaanka.
Kulamada la qabanqaabinayo ayaa lagu wadaa in ay isku soo horfariistaan Saraakiisha kooxda Xizbul Islaam iyo sidoo kale saraakiisha Kooxda Alshabaab oo dhawaan tagaya Degmadaasi Afgooye.
Dhanka kale waxa uu wadaadka Xizbul Islaam hogaamiya uu bilaabayaa dhexdhexaadinta ganacsatada iyo Xizbul Islaam maamulkeeda Afgooye markii ganacsatada ay diideen bixinta dhaqaale culus oo la dul dhigay.
Ma jioro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulka Afgooye oo la xiriira Bandowga iyo tagitaanka wadaadka hogaamiyaha Kooxdaasi Xizbul Islaam oo xalay seexday Degmadaasi Afgooye.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments